Warbixin Shaacisay Dalalka Afrika ee Taageersan Aqoonsiga Somaliland iyo Kuwa Sida Xooggan u Diiddan
Hargaysa 02.Sep 2015 (SDN/QJ)- Warbixin cusub, ayaa soo bandhigtay dalalka qaaradda Afrika ee taageersan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa sida xooggan uga soo horjeeda aqoonsigeeda.
Warbixintan oo ay diyaarisay hay’ad warbaahineed oo la yidhaa Devex, kana faalloota arrimaha siyaasadda iyo horumarka waxa lagu shaaciyey dalal ku yaal Afrika oo taageerada qaddiyadda Somaliland, balse aan si rasmi ah weli u shaacin mawqifkooda dhabta ah, kuwaasoo Midowga Afrika ku dhiirrigeliya in la tixgeliyo madaxbannaanida Somaliland.
“Somaliland lama mid ah dalka Koonfurta Suudaan oo haystay awood xooghan oo qaddiyaddooda ka dhaadhiciya adduunka, gaar ahaan Maraykanka, taasina waxay keentay inay noqdaan waddan madaxbannaan oo aqoonsi ka haysta caalamka, laakiin Somaliland waxay haysataa taageero ka yar oo xuddun u noqdo inay dabada ka riixaan aqoonsigooda. Dalalka ay ka mid yihiin Rwanda, Koonfur Afrika, Zambia iyo qaar kale oo kooban ayaa la tilmaami karaa amma lagu xisaabiyaa inay yihiin taageerayaasha madaxbannaanida Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixinta mac-hadka warbaahinta ee Devex oo xarumo ku leh dalal badan oo caalamka ah.
Waxa kaloo warbixinta lagu caddeeyey in dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya aad uga soo horjeedaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, halka sidoo kale aannu mowqifka Itoobiya weli si rasmi ah u caddayn inay taageersan tahay aqoonsiga Somaliland iyo inay ka soo horjeedo, “Inkastoo ay xafiis siyaasadeed ku leedahay Hargeysa, isla markaana fiise ama dal-ku-gal ku bixiso baasaboorka Somaliland.”
Sidoo kale, warbixinta waxa lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika yahay si xooggan uga soo horjeedo madaxbannaanida Somaliland, kaasoo aaminsan in arrintaasi dhaawac ku tahay dalalka qaaradda.
“Midowga Afrika ayaa caqabad ku ah dalalka taageersan qaddiyadda Somaliland, waxaannu AU-du ka cabsi qabaa in madaxbannaanida Somaliland dhaawac ku noqoto xidhiidhka dalalka Afrika, gaar ahaan waddamadda aan taageersanayn goonni-isu-taagga Somaliland, taasina waxay kala dhantaashay meel-marinta qaddiyadda aqoonsiga.” Sidaa waxa yidhi khabiir magaciisu yahay Seth Kaplan oo ka faallooda arrimaha diblomaasiyadda iyo siyaasadaha khaarajiga oo la hadlay mac-hadka Devex.
Mr. Kaplan waxa uu kalena tilmaamay in Somaliland aanay taageero buuxda ka haysan dalalka jaarka la ah, “sidaa darteedna,” ayuu yidhi; “haddii aanay dalalka dariska ah taageersanayn Somaliland aqoonsi kama heli karto waddamada kale ee qaaradda Afrika, taasina waxay muujinaysaa in dabcan aanay caalamkuna aqoonsi u fidin karin Somaliland haddii aanay taageero ka haysan qaaradda Afrika.”
Haseyeeshee, sida warbixinta lagu iftiimiyey wefti ka socda Midowga Afrika ayaa safar qiimayn ah ku tegay Somaliland sannadkii 2005, kuwaasoo markii dambe soo saaray warbixin ay ku sheegeen in aanay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland wax saamayn ah ku yeelan karin dhibaatooyin ka dhasha dhinaca xuduudaha, noqonna doonin daaqad ku furanta Afrika oo horseeda in dalal badan kala go’aan.
“Dalka Somaliland waxa uu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay qaran madaxbanaan, sida ku cad cahdiga Montevideo oo qeexaya xaqa iyo waajibaadka dalalka laga rabo, kuwaasoo ah in la helo dawlad amma xukuumad shaqaysa, dadweyne ama mujtamac joogto u deggan iyo dhul xuduudihiisu sugan yihiin, shuruudahaasna way buuxisay Somaliland. Waxa kaloo ay leedahay calan u goonni ah, lacag iyo baasaboor lagu safri karo, inkastoo ilaa hadda Itoobiya iyo Malaysiya ay aqbalaan in dalalkooda lagu galo baasaboorka Somaliland, halka Jabuuti oggoshahay oo qudha baasaboorka ay sitaan masuuliyiinta ama dadka madaxda ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Xigasho Jamhuuriya