Soo Dhaweyn Xukuumaddu Ka Maqan tahay Oo Maanta Ismaaciil Buubaa Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa
Hargeysa:Sep,02,2015(SDN/QJ)-Siyaasi Ismaaaciil Hurre Buubaa, ayaa Goor dhaweyd soo gaadhay Magaalada Hargeysa, waxana si weyn usoo dhaweeyey Shacabweyne Tiro badan, Hoggaanka Labada Xisbi-mucaarid, waxana uu muujiyey jacaylka uu qabo dalkiisa Hooyo.
Mudane Buubaa oo noo laabashadiisa muddo dheer la sugayey, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo soo laabashadiisa, waxana uu ku gaabsaday inuu soo laabashadiisa ku faraxsan yahay,
“waan u mahad naqayaa dadka isoo dhaweeyey, in bandanna waynu wada hadli doonaa, laakiin maanta waxan doonayaa inaan hadalkayga soo gaabiyo.” Ayuu yidhi Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa.
Ismaaciil Hurre Buubaa oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu Karaankiisa ugu shaqeeyo Somaliland, waxana uu yidhi,“Imaanshahayga aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, waxana aan rajaynayaa inay guul iyo wanaag Somaliland uso hoyato aniguna aan wixii Kartidayda ah Aan Halkan ka geysto.”
Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa muddo 18-sanadood ah Waddanka ka maqnaa, waxana Maanta Soo Dhaweyntiisa Gebi ahaanba iskaga Maqnayd Xukuumadda Talada Haysa, halka iyo Labada Xisbi-mucaarid u muuqdeen qaar tartan ugu jira Kasbashadiisa.
SDN/QJ