Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Saaacadaha Soo Sacda Kasoo Degi Doona Garoonka cIgaal International Airport
Hargeysa:Sep,02,2015(SDN/QJ)-Siyaasiga Caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa saacdaha soo socda lagu wadaa inuu kasoo dego Gegida Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxana haatan Gebi ahaanba Magaalada Hargeysa ka socota Diyaar garowga Qabanqaabadiisa.
Syaasi Ismaaciil Hure, oo muddo dheer aaminsanaa Mabda’a Soomaaliweyn, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu Gebi ahaanba Mabda’aas Maskaxdiisa ka saaray, isla-markaana uu diyaar u yahay inuu wa la qabsado Dalkiisa Somaliland iyo Dadkiisaba.
Ismaaciil Buubaa oo kamid ahaa Siyaasiyiin ugu saamaynta Badan Somalia, isa-markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladihii kala dambeeyey ee Somalida loo sameeyey, ayaa qabanqaabada soo dhaweyntiisa waxa lug weyn ku leh Xukuumadda, marka laga tago Saaxiibada uu leeyahay iyo Waliba qoyska uu kasoo jeedo oo soo dhaweyntiisa si weyn u agaasimayey.
Siyaasigan, ayaa kasoo ambabaxaya magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa, waxana la filayaa in marka uu Hargeysa soo gaadho jeedin doono Khudbad taariikhda uu geli doonto oo uu shacabkiisa kula Hadlayo, maadaama oo uu muddo dheer ka maqnaa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com