Faallo: Sannad Ka Dib Dilkii Hogaamiyihi Hore Ee Alshabaab iyo Weerarka Jannaale, Maxaa Loo Fasiran karaa?
Hargeysa,1Sep,2015(QJ/SDN)-Maanta oo kale 1-dii September sanadkii 2014 waxay diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee dowlada Mareykanka ku dileen deegaanka Haawaay ee gobalka Shabeelaha hoose Hogaamiyihii Xarakada Alshabaab Sheekh Axmed Cabdi Godane, oo Xarakada Alshaab dhexdeeda loooga yaqaanay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.
Maanta oo sannad buuro ah laga jooga dilka Sheekh Abuu Zubeyr, Xarakada Alshabaab Gaar ahaan ciidanka loogu magac daray hogaamiyaas geeriyooday ee loo yaqaano Guutada Sheekh Abuu Zubeyr, waxay weerar ku qaadeen degmada Jannaale oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose oo ah gobalkii diyaaradaha Mareykanku ay ku dileen Sheekh Abuu Zubeyr.
Haddaba arrinta sida aadka ah loo hadal hayo ayaa ah in maanta oo kale sanadkii 2014-kii diyaaradaha dagaalka Mareykanku duqeyn ay ka geysteen gobalka Shabeelaha Hoose ku dileen Hogaamiyihii hore ee Xarakada Alshabaab, Maantana isla gobolka Shabeelaha hoose ay Xarakada Alsahaab ku dileen inka badan 50 askari sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka hawl-gallada Xarakada Alshabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in ay weerarkan ugu aargudayeen dad shacab ah oo dhawaan ciidamada AMISOM ku laayeen magaalada Marka.
QJ/SDN:Hargeysa