|

Baahinta Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Somaliland Oo Maanta Loo Ballansan yahay

Hargeysa:Sep,01,2015(SDN/QJ)-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa lagu wadaa inay maanta oo Salaasa ah si rasmi ah u shaaciso natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare iyo Kuwa dhexe.

DAAUUDSida ay qurbejoog.com u xaqiijiyeen  saraakiil xafiiska imtixaanaadka katirsani, waxa loo ballansan yahay shaacinta natiijada Imtixaanaadkaas oo ku dhawaad lix kun oo arday sugayaan.

Xafiiska Imtixaanaadka qaranka oo xukuumadda u qaabilsan Baahinta natiijada iyo isku dubba ridkeedaba, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn mashquul u ahaa, waxana ay ku hawllanaayeen kala hufidda ardayda Tirada badan ee imtixaanka Gashay.

Baahinta natiijada oo goor dhaw loo balan san yahay wixii kasoo kordha wararka dambe nagala socda.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporaws.com

 

 

 

Comments are closed