Daawo Muuqaal “Hooyo Soomaaliyeed oo tahriib ah oo ku dhex umushay Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Jarmalka!!
Hargeysa,3oAug,2015(QJ/SDN)Hooyo Soomaali ah oo soo tahriibeysay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhex umushay Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Jarmalka ka dib markii hooyadaas laga soo badbaadiyey badweynta iyadoona ay hooyadaas ay halkaas ku dhashay Gabadh.
Hooyadaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raxma oo 33 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay ka soo safartey magaalada Muqdisho iyadoona jidka ku soo jirtey mudo 5 bilood, Hooyadaan oo ka mid ahayd qaxooti kale oo gaadhaayey ilaa iyo 4,000 oo qofood ayaa dhawaantaan waxaa laga soo badbaadiyey bada Mediterraneanka, Hooyadaan oo markii hore ay badbaadiyeen ciidamada bada dalka Ingiriiska ayaa waxay ku wareejiyeen Markab ay leeyihiin dalka Jarmalka iyadoona ay Hooyadaas Soomaaliyeed ay halkaas ku dhashay gabar loo bixiyey Safiya.
HALKAN HOOSE KA DAAWO:
Ugu dambeyntiina iyadoo hooyadaas Soomaaliyeed iyo gabadheeduba ay xaaladeedu ay wanaagsan yihiin ayaa waxay wararku sheegayaan in hooyadaas markii la keenay bariga gaar ahaan magaalada Taranto ee Koonfurta dalkaas Talyaaniga loo dhaadhiciyey Isbitaalka magaaladaas si loo baaro xaalada caafimaad ee hooyadaas Soomaaliyeed iyo gabadheeda yar ee ay dhashay, Gabadhaan yar ee loo bixiyey Safiya ayaa waxay ku dhalatey culeys ama Miisaan ah 3 kg iyadoona uu guud ahaan caafimaadkeedu uu ahaa mid aad iyo aad u wanaagsan.