Ciidamada Ammaanka India Oo Soo Qabtay Saxafiyad Qudha Ka Jartay Gabadh ay Dhashay Oo Xidhiidh Jacayl La Samaysay Qoys Ay Isdiidanaayeen
Delhi:Aug,30,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka Waddanka India, ayaa Gacanta kusoo dhigay Haweenayda Saxafiyadda ah ee loo yaqaanno Mukerjea, taas oo lagu eedanaynayo inay si badheedh ah qudha uga jartay Gabadh yar oo ay dhashay.
Saxafiyad Mukerjea, ayaa markii danbe Ciidamada Booliska ay ku heleen macluumaad muujinaayo inay iyada ka danbeysay dilka gabadheeda oo markii hore loo haystay inay si kale u dhimatay.
Boolisku waxa uu sheegay in Gabadhani saxafiyada ah ay Gabadha yar oo ay dhashay ay dishay Bishii April sanadkii 2012-kii xiligaasna ma jirin cadeyn muujineysay inay iyada ka danbeysay dilka.
Dilka ayaa waxaa sababay kadib markii uu xidhiidh jaceyl dhexmaray gabadha la dilay iyo wiil uu dhalay nin qabi jirey haweeneyda wax dishay sidaas daradeed ayey cabsi ay ka qabto ceeb bulshada uga timaada sida dhaqankoodu yahay.
SDN/QJ