|

Waraabe Wiil Yar Ku Cunay Degmada Mandhera Ee Gobolka Saaxil

Mandheera:Aug,30,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Degmada Mandhera ee Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in Wiil  Reer Miyi ahaa da’diisu tahay15-jir uu u geeriyooday Waraabe Dhaawacyo culusu u geystay xilli uu raadinayey Xoolo ka Baxsaday.

hioWaraabaha Wiilkaas dhaawacyada gaadhsiiyey, ayaa weeraray Wiilkaas oo waday Adhi ka lumay qoyskooda oo uu soo helay, Ul uu sitayna ka luntay, sida ay Radio Hirad u xaqiijisay Hooyada Wiilkaas dhashay oo la yidhaahdo Shugri.

“Walaal Saacad maan haynin ee waxaan u malaynayaa inay xilli illaa siddeeddii (habeennimo) ahayd ayuu Wiilku Adhi Adhiga ka mid ah guriga ka waayey, bacdayna wuu baxay, aniguna maan ogeyn, ka dib qayladii ayay dad Rag Tuulaha ku socday maqleen, faro-laabna muu sidan ee Gacanta iskaga qabo ayuu islahaa, Niman socda oo Tuulaha qabanayey ayaa ka riday. Markaa, dhaawacyo Madaxa, dhinacyada iyo dhanka dambe ayuu dhaawacyo ka gaadhsiiyey Waraabuhu Wiilka.” Sidaa ayey tidhi Hooyada Wiilkaas dhashay oo u warrantay Radio Hirad.

Deegaanka Mandheera, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey lagu arkay Waraabayaal Koox koox u socda oo dad-qaad ah, isla markaana dadka weeraraya, iyagoo Habeennimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan dhammaaday Nin kale ku dhaawacay Waraabahaasi isla deegaankaas Mandheera.

Faarax Cabdi Ducaale oo ka tirsan dadka deegaanka Mandheera oo isna Radio Hirad la hadlay, waxa uu yidhi; “Mid mid in la arko mooyee sidan ay isku soo raacayaan hadda hore looma arag. Awal wuu cabsan jiray Waraabuhu oo Carruurta yaryar baaba eryan jirtay oo uu ka carari jiray, laakiin immika dadkii buu u soo jeestay.

Muddo toban sano laga joogo waa markii ugu horreysay ee Deegaanka Mandheera lagu arkay Waraabe Koox koox u wada socda oo si toosa u weeraraya dadka iyo duunyada deegaankaas, gaar ahaan Dadka, iyagoo toban sano ka hor uu sidan oo kale Waraabe Kooxo u wada socdaa dadka ku weerari jiray deegaankaas, balse aan tobankii sano ee u dambeeyey aan lagu arag.

 

Xigasho Wargeyska Himilo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed