“Arrinta Wareejinta Haamaha Shidaalku Mooshin Way Noqonaysaa Waana Loo Codaynayaa, Dalkuna…”Xildh. Cabdiqaadir Jirde.
Hargeysa:Agu,30,2015(SDN/QJ)-Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiillada, xubinna ka ah Guddida Hantida qaranka, ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay xukuumaddu ku doonayso inay ku wareejiso Haamaha shidaalka Berbera, waxana uu tilmaamay inay tahay arrin halis ku ah Dhaqaalaha Somaliland.
Xildhibaanka oo shalay Kadib markii warbixin wareejinta Haamasha Shidaalka ka digaysa Golaha laga hor akhriyey halkaas ka Hadlay, ayaa Su’aal ka keenay sababta Haamahaas oo haatanlasoo caddeeyey in dakhli faro badani kasoo xaroodo cid kale loogu sii wareejinayo,
“Ma Qolada haamaha ayaa xilkii ka soo bixi wayday, ma lacagtaas lacag ka baan ayaa laga doonayaa in laga soo saaro, meesha sanadkii ka soo baxaan 24 Million oo doolar ninka lagu wareejinayo ee raasamaalka lihi waxa laga yaabaa inaanu haysanba 24-ka Million ee sanadkii ka soo baxaya markaa muxuu ku doonayaa, soo maaha uun naas nuujin iyo nin la kobcinayo, 24-ka milyan ee ka soo baxa marka ay dawladu wareejinayso waxa weeyaan awoodayadii ayey ka waynaatay oo anagu lacag uma hayno, markii marxuunku wareejinayey doodu waxay ahayd ma awoodi kartaan haamahan dayactirkooda, waxaad haysataana ma kafayn karaan dayactirka haamaha, markaa haka dhiganina naas la maalo uune in wax la galiyo ayaa loo baahan yahay, yeynu doonaynaa markaa shirkad Caalami ah oo hantida intaas leeg haysata oo Total la yidhaa awoodna u leh inay hantida intaas leeg galiso waxay galisana hadhaw halkaas kala soo baxdo, markaa arinkani waa kaalay maal sidaasna dalku ku socon maayo waanu ka daba tagaynaa mooshina wuu noqonayaa waana loo codaynayaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Jirde
Sidoo kale waxa uu sheegay in baarlamaanka looga fadhiyo inay kaalintooda ka soo baxaan, isaga oo tilmaamay inay xukuumadu wareejisay haamaha balse aanay wax heshiis ah keeni doonin golaha wakiilada waxaanu yidhi “Baarlamaanka haduu taas yeeli waayo waxa haysta inuu yahay nin xilkiisii ka baaqday, warbixintuna waxa weeyaan wareejinta haamaha shiidaalku horta dhab ma tahay, waynu u baranay oo waynu naqaanaa xukuumadu marna ma cadayso oo ma sheegto heshiiskiina ma keento, inay wareejisay way cadahay laakiin heshiis la keenayaa nooma muuqdo.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.
SDN/QJ