|

Giddida Dabagalka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Arrimaha Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera

Hargeysa,29Aug,2015(QJ/SDN)-Maareeyaha Haamaha Shiidaalka Berbera Sheikh Saleebaan Siciid Aw Cali ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday hanti xaddigeedu badan yahay.

Gudida Dabo galka hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa warbixin ay soo ka hor jeediyeen Golahooda ku sheegay in ay hantidii ugu badnayd uu lunsaday Sheekh Saleebaan, waxaana uu yidhi “Waa in sida uu xeerka madaxweynuhu qoraayo haamaha kaydka shiidaalka toos loo hoos geeyaa wasaarada gacansiga” ayuu yidhi

 

Waxa kale oo uu xildhibaanu sheegay in aan wakhtigan loo bahnayn in la wareejiyo Kyadka Haamaha Shiidalka oo uu sheegay in Sideed iyo tobankii bilood ee u danbeyey ay ka soo baxeen 24 Milyan oo Dollar, waxaanu xusay in dhaqaalaha intaasi leeg qaranku ka helo haamaha Shiidalka loona bahnayn in Dad Gaar ama Shirkado lagu naasnuujiyo.

 

Waxa kale oo uu golaha u soo jeediyey in ay Go’aan ka gaadhen si aan loo wareejin haamaha, isla markana Cod loo qaaddo.

 

Intaasi markii uu Guddoomiyuhu sheegay ayaa wax aka dhashay Buuq iyo Sawaxan ka dhashay soo jeedinta Guddoomiyaha Gudidaasi waxana Xildhibaanada Baddankoodu soo jeediyeen in cod loo qaaddo balse guddoomiyaha ayaa ka codsaday in maalinta barri ah codka loo qaaddi doono.

Comments are closed