|

Xaaska Midka mid ah Hoggaamiyayaasha Daacish Oo Dalka Britain Dhuumasho Ku Gashay Iyo Raacdo Loogu jiro

London:Aug,29,1015(SDN/QJ)-Haweenay laga shakisan yahay oo la sheegay inay u dhaxday Mid kamid ah hoggaamiyayaasha kooxda Daacish, laguna magacaabo Mrs Jihaadiste, ayaa la sheegayaa inay waddanka Britain si qarsoodi ah kusoo gashay.

birHaweeneydani oo u dhalatay Dalka Britain ayaa dalkaasi dib ugu laabatay kadib markii aalada Internedka ay ku tashkiilisay tiro dhalinyaro ah, waxa ayna ka dhex xulatay 2 dhalinyaro oo kor kala socda xaaladeeda amaan.

Haweeneydani oo khatar ku ah amaanka dalka Britain ayaa ujeedka dib ugu laabashadeeda dalkaasi lagu sheegay inay la xidhiidho khalkhal galinta amaanka Britain.

 

Ciidamada Sirdoonka, Militeriga iyo kuwa Booliska Britain ayaa loo gudbiyay muuqaalada Haweeneydaasi ka tirsan Daacish ee Britain dib ugu soo laabatay.

Ciidamada ayaa sidoo kale baadhitaano ku haya 2-dhalinyaro oo ay u isticmaasho qaab Ilaaliyaal ahaan kuwaasi oo kor kala socda xaalada Haweeneydaasi.

Ugu danbeyntii, Laamaha amaanka ayaa wado baadhitaanno ay ku baadi goobayaan Haweeneydaasi oo halis ku ah amaanka dalkaasi.

Comments are closed