|

“Aniga guraygii niman Ethiopian ah oo Cabdilaahi Yuusuf Soo diray ayaa usoo daatay, Laba Baabuur oo la igu waardiyeynayey iyo Hubkii oo dhan bay qaateen, xabbad uunbaanay nagu dhufan”Cabdiqaasim Salaad Xasan

Qaahira:Aug,29,2015(SDN/QJ)-Madaxweynihii hore ee Somalia Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa ka Hadlay dhibaatooyinka ragaadiyey Koonfurta Somalia, waxana uu tilmaamay waxyeelladii hore loogu geystay Shacabka Reer Somaliland wax laga saari karo dhibka koonfur haatan ka taagan.

cabdiqaasimCabdiqaasim Salaad Xasan oo isagoo jooga Magaalada Qaahira ee Dalka masar u warramay Wariye Cabdisalaan Hereri oo Telefishanka Univeral katirsan, ayaa dhibaatada Maanta Somalia ka taagan ku tilmaamay mid ka dhalatay Qaybaalad iyo diintii oo si xun loo adeegsaday,

“Somalia halka ay maanta joogto inay ka bixi waydo waxa ugu wacan qabyaaladda iyo diintii  oo aan sidii la rabay loogu dhaqmaynin, marka islaamnimadii la rabay laga fogaado qabiilna la galo waa dhibaato, somaliyana ciqaab baa ilaahay xaggiisa kaga dhacday debiyo badan baanan galnay, markii wadaadadda la laayey madaxweyne Siyaad Barre waxa uu ku maqnaa Magaalada Baraawe, markii uu ka yimina rag ismaaciil Cali Abokor  iyo Axmed Saleebaan Dafle ka mid yihiin baa u sheegay, Axmed Saleebaan Oo Markaas nala joogay buu yidhi shaqadaada qabso, taas oo macnaheedu ahaa nimanka xukun saar, Waxanse ku idhi madaxweyne Cid aan waxba ahayn yeynaan taallo u dhisin.” Ayuu yidhi Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cabdiqaasim oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dhibkii loo geystay soomaalidii Waqooyiga iyo meelo kale oo soomaliya kamid ahi noqdeen ciqaab ilaa maanta sii socoto, waxana uu yidhi,

“Dadkii xamar deggenaa fidnadii ay dhigeen ciqaabteedii way nagu dhacday, Soomaalidii Bari ka timi ee Waqooyi ka timina layntii la laayey iyo haweenkii iyo carruurtii masaajidada qaar lagu kufsaday ciqaabteedii way nagu dhacday”

Mar uu hadlayey xidhiidhkii uu la lahaa Dawladaha Gobolka waxa uu sheegay inay Ethiopia hormood ka ahayd mucaaradadii lagala horyimi Dawladdii carta lagu soo dhisay ee uu hoggaaminayey,

“Meles Zenewi ragga naga soo horjeeda ayuu ahaa wallow aan tegay Addis Ababa, Dawladaha GalbeedkunaWaxay kamid ahaayeen kuwa dacaayadda Naga faafinayey ee lahaa Waa Xag-jir.Midowga Afrikana wax badan oo uu noo qaban karayey ma jirin, laakiin carabtu haddii ay hagar bixi lahaayeen way wax bixinayeen.” Ayuu yidhi Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Su’aalo laga weydiiyey Ciidamada Waddamada Deriska la ah Somalia ee haatan dalka ku sugan, ayuu sheegay inuu siyaasadaas si weyn uga soo horjeeday, waxana uu yidhi,“anigu Dawladihii aanu deriska ahayn ee colaaddu naga dhaxaysay marnaba uma oggolayn inay dalka yimaadaan iyo inay usoo dhawaadaan midna, Ciidamo in naloo keenana ma rabine in kuwayaga naloo tababaro ayaanu rabnay.”

Madaxweynihii hore ee Somalia Md Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ka Hadlay dhibaato uu sheegay inuu u geystay madaxweynihiii uu xilka ku wareejiyey Marxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed, kaas oo uu ku eedeeyey inuu Masuul ka ahaa Weerar ciidamo Ethiopian ahi ugu soo daadeen Aqalkii uu Magaalada Muqdisho ka deggenaa , isla-markaana dhac weyn loogu geystay,

“aniga guraygii niman Ethiopian ah oo Cabdilaahi Yuusuf Soo diray ayaa usoo daatay, Laba Baabuur oo la igu waardiyeynayey iyo Hubkii oo dhan bay qaateen, xabbad uunbaanay nagu dhufan, macnaheeduna waxa uu ahaa Halla dilo. Cabdilaahi Yuusuf iyo kii Ra’isal wasaaraha ahaa baa mar ii yimi oo yidhi waa kuu tacsiyadaynaynaa waar tacsida iga daayo oo hubkii iisoo celiya baan ku wax lasoo celiyeyna ma jiraan.” Ayuu yidhi Cabdiqaasim Salaad Xasan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed