CIIDAMADA CUSUB EE LOO TABABARAY XUKUUMADDA SOMALIA MA BEDELI KARAAN AMISOM
Muqdisho,29Aug,2015(QJ/SDN)-Boqolaal ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Somaliya, ayaa waxaa tababar loogu soo xiray Xerada Ciidanka Militariga Jazeera, oo ku taala Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir.
Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka, General C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa tababarkan Khamiistii u soo xiray Ciidanka Militariga Somaliya, kuwaa oo lagu wado in Ciidamada Amisom kala wareegan dalka, sanadka 2017-ka.
Abaan Duulaha, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay diyaargarow ugu jirto Ciidankii Qalabka Sida Somaliya, ee Xoogaga Amisom kala wareegi lahaa goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe, ayaa horey qalinka ugu duugay joogitaanka Amisom ee Somaliya in uu ku egyahay sanadka 2017-ka, Somaliyana looga baahan yahay inay hesho ciidan awood leh, oo suurta gelin kara xaqiijinta goobaha ay ka baxdo Amisom.
Saraakiil Midowga Yurub ka tirsan, ayaa tababarka u soo xiray Ciidanka Militariga Somaliya, oo ay ku jiraan kuwo loo tababaray ka hortagga walxaha qarxa.
Marka laga soo taggo in Midowga Yurub uu ka qayb qaadanaayo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, ayaa waxaa hadana Mareykanka, Talyaaniga iyo Turkiga lagu tilmaamaa saddexda dalka ee sida ballaaran uga qayb qaadanaaya dib u dhiskooda.