|

“Cidkasta oo midab-dhaanta ama wax ku darta ama wax ka saarta astaanta calanka Somaliland waxay ku kacaysaa fal-dembiyeed ku xusan xeerka ciqaabta guud”Xildh. Rayte

Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Rayte oo kamid ah Mudanayaasha Xisbiga Waddani ugu jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay  calan la dhalan rogay oo maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey qaarka mid ah xafiisyada Dawladda, waxana uu tilmaamay inay tahay distoor jebin.

rayoXildhibaan Rayte oo maalintii shalay la hadlay HCTV, ayaa sheegay in ciddii astaanta calanka wax ka beddeshaa mudan doonto ciqaab adag oo distoorku sheegayo,  “Cidkasta oo midab-dhaanta ama wax ku darta ama wax ka saarta astaanta calanka Somaliland waxay ku kacaysaa fal-dembiyeed ku xusan xeerka ciqaabta guud, calanka astaanta qaranka lama midab-dhaami karo” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Rayte oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in sharciga ciqaabta ka dhanka ah beddelaadda Astaanta qaranka lagu qaadi doono Ciqaabta ka taalla, waxana uu yidhi,“ciddii sharciga ku xad-gudubtana waxa waajib ah in wax sharcigu dhigayo la mariyo oo aan loo habran”

Waxa uu intaas ku daray in sharci-jebinta maanta dalka ka dhacda ay xukuumaddu  ugu badan tahay cid ku kacda, waxana uu tusaale usoo qaatay dilalkii kala dambeeyey ee Ciidamada Boolisku ka geysanayeen Magaalada Hargeysa,

“maanta cidda sharciga jebisa ee ugu badani waa xukuumad, waad ogtihiin oo dhimashada ugu badan maanta waxa geysta ciidamadii loogu talo galay inay ammaanka ilaaliyaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed