|

“Waxan maqlaa wadaaddadu ma codeeyaan doorashooyinka, xisbi-na ma galaan, Markaa haddaad ka qaybqaadan weydaan hoggaaminta dalka aayadihiina aad akhriyeysaan Hadhaw haddii shaydaan idiin taliyo maxaad u calcaacalaysaan?”Muj. Muuse Biixi.

Hargeysa:Aug,28,2015(SDN/QJ)-Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, ayaa si weyn culimada Dalka ugu canaantay tafaraaruq iyo kala qaybsanaanta dhexdooda ka jirta, waxana uu usoo jeediyey inay midnimo muujiyaan maadaama oo ay dadka diinta u hayaan.

wadoGuddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlay munaasibad uu qabsaday Machadka Ibnu Baas ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku dheeraaday taariikho ay hore usoo martay culilmada Soomaalidu, gaar ahaan kuwa Reer Hargeysa, waxana uu tilmaamay in khilaafkii berigii hore intan haatan ka yaraa, isla-markaana aan meelna la kala tegi jirin, “Anigu wadaaddada lama kaftamo, Hargeysana waxan ku garaadsaday iyadoo laba qolo oo wadaado ahi madaxa iskula jiraan labadaas culimona waxay kala ahaayeen Qaaddiriya iyo saalixiya, waxana ay isku layn jireen Masjid jaamaca Hargeysa, hawl baddana may lahayn oo marka ay isku xanaaqaan qaysaro yar islamay dhaafi jirin.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi ugu baaqay Culimada inay khilaafka umadda ka yareen, maadaama ay hoggaankii umaddu ku hiranaysay yihiin,

“culimada maanta waxanu ka codsanaynaa inay khilaafka inaga yareeyaan, marka khilaafkoodu yaraadana horumar badan baynu gaadhaynaa, waayo dad mutacallimiin  ah, oo masaajidkii  kuugu yeedhaaya oo qur’aankii akhriyaaya haddana iyagii is khilaafsani waa mushkilad weyn.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Muuse Biixi oo Hadalkiisa sii wata, ayaa wadaaddad ku dhiirrigeliyey inay hoggaanka dalka door muuqda ku yeesheen, isla-markaana ku dhiirradaan  inay gudaha u galaan, waxana uu yidhi,

“siyaasaddu waa hoggaamintiiye haddii la idin leeyahay xisbiyadu way idinku dan gaadhayaan oo waa beenayaal, mid wanaagsan oo daacad ah oo si fiican kuu hoggaamiya dooro, maxaad u calaacalaysaan, yaadse eersanaysaan”

Mar uu Guddoomiye Muuse Biixi Ka Hadlayey sida ay wadaaddada Maanta intooda badani uga cago jiidaan inay ku dhiirradaan siyaasadda, haddana u cambaareeyaan Hoggaamiyayaasha siyaasadda, ayaa waxa uu yidhi,

“waxan maqlaa wadaaddadu ma codeeyaan doorashooyinka, xisbi-na ma galaan, Markaa haddaad ka qaybqaadan weydaan hoggaaminta dalka aayadihiina aad akhriyeysaan ahaa  “arrmiina ka tashada” oo aad taladii diidaan Hadhaw haddii shaydaan idiin taliyo maxaad u calcaacalaysaan?”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu waddaadada u sheegay in cidda siyaasadda Waddanka masuulka ka ahi ay yihiin Saddexda Xisbi qaran, isla-markaana ay muhiim tahay inay xisbiyadii kii ay dan bidaan ay galaan,

“Dalka taladiisa Mac-haddo uma xil saarnee Saddex Xisbi oo Kulmiye, Ucid iyo Waddani ah baa u xilsaaran, markaa kaad doontaan taga oo mid muslim ah oo wanaagsan oo waxaad doonaysaan ka helaysaan kasoo saara culimoy. Haddaad talada Bannaanka ka fadhiisataan oo ra’yigiina cidla la fadhiisataan Hadhawna Calaacashaan isma qabato culimoy.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa uu Guddoomiyuhu wadaaddada Faray inay hoggaaminta Dalka qayb muhiim ah ka qaataan si horumar diineed loogu hirto, waxana uu yidhi,

“Dalku wuxu u baahan yahay in loosoo saaro madax muslim ah oo aan Been sheegin oo iimaan leh, culimadana wax xil ka saaran yahay inay nolosha xagga hore u qaadaan hadday hoggaaminta ka baqdaanse u qaadi kari maayaan oo xagga dambe ayey gelayaan.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed