|

GUDAHA KA AKHRI: Wasiir Cabdi-Wadaad Oo Si Adag U Beeniyey War Ka Dhan Ah Cirdigiisa Iyo Mawqifkiisa Siyaasadeed Oo Lagu Xidhiidhiyey Xilka Madaxweynuhu U Magacaabay Toddobaadkan

Hargeysa Aug 28,2015(SDN/QJ)- Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda qorsheynta qaranka iyo isu duwida hay’adaha Caalamiga ah Muj. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil Oo Cabdiwadad loo yaqaanno  ayaa jawaab ka bixiyey warar ka dhan ah mawqifkiisa oo lagu xidhiidhiyey mid lid ku ah mabaadii’da qarannimada Somaliland.

 

Wasiir ku xigeenka qorsheynta oo toddobaadkan uu madaxweyne Siilaanyo xilka u magacaabay ayaa  waxba kama jiraan ku tilmaamay war  saaka ku soo baxay mid ka mid ah wargeysyada  maxalliga kaasi oo ku xidhiidhiyey in madaxweynuhu  xilkan u magacaabay masuul aan qaddiyada iyo qaranimada Somaliland aaminsanayn. Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranka iyo isu duwida hay’adaha caalamiga ah ee JSL Muj. Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad)  ayaa  waraysi  HUBAAL Media  khadka telefoonka ku siiyey waxa uu kaga hadlay  aragtidiisa ku wajahan xilka loo magacaabay iyo lifaaqa lagu been abuuray mawqifkiisa ee  warbaahintu qortay,

 

“Xilka la ii magacaabay marka hore  madaxweynaha JSL waa mid aan ugu mahad naqayo, mar labaad dareenkaygu arrintaas aad buu ugu faraxsan yahay”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cabdi Wadaad, waxaan isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaas ku ladhay  “anigu waxa aan ka mid ahaa dadkii qarannimada Somaliland u soo halgamay shirarkii nabadaynta beelaha Somalilandna door shariif ah ayaan ku lahaa, intaa ka dib muddadii ay Somaliland jirtay  xilal kala duwan baan xukuumadihii kala dembeeyey kasoo qabtay oo muddo toddoba sannadood ilaa sideed sannadood ah baan  wasiir ku xigeen ka ahaa xukuumadii Marxuum Cigaal iyo Xukuumaddii Rayaalle, intaasna waxaan joogay wasaaraddaas ganacsiga rag dhan oo wasaaradda soo marayna waan lasoo shaqeeyey oo illaa toddoba wasiir baa igu soo maray wasaaradda ganacsiga mudadaas aan xilka hayay . Haddii aan u soo noqdo tan [xilkan] immika la ii magacaabay kolley nin garanaya ayaan ahay waajibaadka iga saaran, doorka igala gudboon ayaanan qabsan doonaa dedaalkaygana waxba kala hadhi maayo kana hagran maayo wixii igala gudboon. Waxaanan fulin doonaa mabaadii’da xukuumaddan magacaabistaydu ku cusub tahay”.

 

“waxaan kale oo aan doonayaa inaan ka hadlo war aniga igu lidi ah oo saaka ay jariiradi iga qortay iyaga oo odhana ninkaasi  wasiir ku xigeenka loo magacaabay ma aaminsana qaddiyada Somaliland, aad iyo aad baan arrintaas uga xumahay, waxaanan u sheegayaa shacbi weynaha Somaliland in aanay jirin meel aan kaga hor imi mabaadiida jiritaanka iyo qaranimada Somaliland. Bulshada reer Somaliland-na in badan oo I taqaanna ayaa jirta oo isma faaninayee waxaan ka mid ah dadkii u soo dagaalamay jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, dhuuxayga iyo dhiigaygana qaddiyada Somaliland way raacsan tahay” sidaa ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta qaranku Muj. Cabdi Wadaad, waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya warka laga qoray  “Innamadaas warka iga qoray aniga wax imay waydiin cid kalena waxba may waydiinin ee waxa kaliya ay eed ka dhiganayaan Cabdi Wadaad Xamar buu tegey. Run ahaan Xamar waxa ay la mid ahay magaalooyinka kale ee  wadammada jaarkeena  waxaaanan aaminsanahay in Xamar ay la mid tahay  Jabbuuti ama Addis Ababa. Anigu ma dafirayo oo Xamar waan tegey laakiin su’aashu waxa ay tahay goorma ayaan tegey, maxaase aan ka doonay.

 

Anigu dan shakhsi ah oo ii gaar ah ayaan halkaas u tegey anigoo shakhsi ah oo aan xilna  haynin xeelad kalena aan wadin.  Muddo koobanna waan ku maqnaa halkaas oo aan muraadkayga ka soo fushanay. Waxaanse leeyahay jariiradda warkaas aniga iga qortay waxa ay iga gashay fal dembiyeed shakhsi ah iyo sumcad dilis iyo weliba been abuur. Iyaga ayaa looga fadhiyaa in ay sharciga hortiisa ka sheegaan  halka aan mabda’ kale ku yeeshay iyo halka aan Somaliland kaga soo hor jeestay, iyada oo aanay haba yaraatee jirinba meel warkoodaasi ku arooro.”

isha warka Hubaal

 

 

Comments are closed