|

Maamulka Galmudug Iyo Ahlusunna Oo Kala Saxeexday Heshiis Aan Lagu Xusin Khilaafkii Ka Dhex Ooganaa

Caddaado 27.Aug 2015 (SDN/QJ)- Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca , ayaa maanta heshiis awood qaybsi ah ku kala saxeexday magaalada Cadaado ee xarunta ku meelgaadha ah ah ee Maamul goboleedka Galmudug.

heshiis1Heshiiskan ayaa dhigaya sidii Ahlusuna uu uga mid noqon laheyd Maamulka Galmudug, waxaana heshiiskan uu suura gelinayaa in Ahlusuna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug, Wasiirada, Taliyeyaasha ciidanka iyo maamulada la dhisayo.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Golayaasha Ahlusuna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa heshiiskan labada dhinac u kala saxeexay.

Waxa saxeexa heshiiskan goob joog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanada Soomaaliya iyo Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Sheekh Maxamed Axmed Faarax Iyo Guddoomiyaha Talada Sheekh Cumar Cabdiqaadir.

Heshiiskan ayaa la sheegay in aanay goob joog ka ahayn xubnihii dhawaan magaalada Dhuusamareeb ku doortay maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ah Ahalusunna, gaar ahaan Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan

Comments are closed