|

Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Afhayeenkiisa Ou Qarka U Saaran Inuu Iscasilaad Gaadho

Muqdisho:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waxa meel sare maraya khilaaf muddo soo taxnaa oo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afhayeenkiisa Daa’uud Aweys Jaamac, waxana soo baxaya warar sheegaya inuu afhayeenku doonayo inuu iscasilo.

Daud-AweysDaa’uud Aweys, ayaa xilkaasi loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014-ka, markaa oo uu ka tagey Laanta afka Somaliga ee VOA, oo Xarunteedu tahay Magaalada Washington.

Afhayeenka, ayaa wuxuu ka cabanayaa dhowr arrimood oo xilligan taagan, waxaana laga xusi isagoo ka cabanaaya ragga ku dhow dhow Madaxweynaha, oo si aan wanaagsanayn ula dhaqmay iyo dhaqaalo xumo.

Wararku waxay intaa ku darayan in Arbacadii shalay uu diiday inuu qoro Warbixinta booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagey Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaaya in Daa’uud Aweys uu Madaxweynuhu ku eedeeyay, marar badan in uu soo gaadhsiiyay waxyaabaha uu ka cabanaayo, laakiin uu dhegaha ka fureystay.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdsho, ayaa soo sheegaaya in ay suurta gal tahay xilkaasi in uu iska casilo Daa’uud, inkastoo ay soconayan dadaalo laga dhex wado isaga iyo Madaxtooyada.

Daa’uud Aweys oo ka mid ah Suxufiyiinta sida weyn dal iyo dibadba looga garanaayo, ayaa ka soo shaqeeyay BBC, VOA iyo qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka Caalamka.

Bishii June, ayay ahayd markii uu is casilay Afhayeenkii Xukuumadda Somaliya, Ridwaan Xaaji C/weli, iyadoona uu dib ugu laabtay Magaalada London, oo uu hore ugu noollaa

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed