Garisa:Rag Walxaha Qarxa Diyaarinayey Iyo Hubkii Ay Siteen Oo Gacanta Lagu Dhigay
Garisa:Aug,26,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Garisa ee Waqooyi Bari Kenya, ayaa Maalintii Shalay lagu soo bandhigay Hub iyo Waxyaabo Kale oo Qarxa, waxana ay La sheegay in Gacanta Lagu Hayo Raggii Hubkaas lagu soo qabtay, balse aan Warbaahinta Wali La Horkeenin.
Madaxa Ammaanka Ee Gobolka Waqooyi Bari, Maxamed Saalax oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garissa, ayaa sheegay hubka iyo qaraxyada inay la soo qabteen rag uu sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Goobta uu shirka jaraa’id ku qabtay, ayaa waxaa lagu soo bandhigay toddoba bistooladood, toddoba bambada gacanta laga tuuro iyo qasnadaha/sanaadiiqda rasaasta bistooladaha.
Masuulkan, ayaa sheegay in siddeed nin oo u dhashay dalka Tanzania ay ku qabteen Magaalada Garissa. Waxa kaloo jira sida uu sheegay niman Soomaali ah oo iyana laga soo dhex qabtay Garissa.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu carab dhabay in laba hablood oo middi u dhalatay Tanzania, midda kalana ay Kenyan tahay, ay ka soo qabteen xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab Ee Gobolka Waqooyi Bari.
Saalax, ayaa hoosta ka xariiqay tallaabada dadkaasi lagu soo qabtay inay ka dambeysay, macluumaad ay shacabka reer Garissa la wadaagen Xoogaga Booliska.
Axadii ina dhaaftay, ayaa waxaa suuqa soo gashay Booliska Garissa inay gacanta ku dhigeen hub iyo rag la tuhunsan yahay, oo loo fishay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
SDN/QJ