Askari Ka Tirsan Ciidanka Bileyska Somaliland Oo Isku Dhex Toogtay Xarunta CID’da.
Hargeysa,26Aug,2015(QJ/SDN)-Mid ka mid ah Askarta ilaalada ka ah xarunta CID’da ee magaalada Hargeysa ayaa xalay abaaro sideedii fiidnimo isku dhex toogtay gudaha xarunta, iyadoo xilligaas uu askarigu ka mid ahaa askarta gaadhka ku qornayd ee goobta ilaaladooda loo xil saaray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in askarigu isku buuqay oo dhanka maskaxda laga soo galay, ka dibna inta uu qoriga ka qaaday askari kale oo ka mid ah askartii meesha la ilaalinaysay uu madaxa iska toogtay, balse illaa hadda ma cadda ujeedada dhabta ah ee askarigaasi isku toogtay, waxaana isla maanta galinkii horaba lagu aasay Xabaalaha Naasa-hablood.
Dowladda Somaliland iyo saraakiisha ciidanka ammaanka ayaan illaa hadda ka hadlin askarigaas ka tirsanaa ciidanka bileyska oo isku dhex toogtay xarunta CID’da.
Isha Ku Hay :QJ/SDN