|

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Maamulka Jubbaland Ku Eedeysay inay Wax Ka Ogeyd Qaraxii Xerada Ciidanka

Muqdisho,25Aug,2015(QJ/SDN)-Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inay wax ka ogaayeen qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Xerada ciidanka lagu tababaro.

Maxamed Geedi, Wasiir ku xigeenka Howlaha guud iyo Guriyeynta, ayaa sheegay inuu jiro shaki xoogan oo la xidhiidha qaraxaasi inay wax ka ogaayeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, isaga oo sheegay gaadhiga qarxay inuu lahaa Sarkaal ka tirsan ciidanka.

Wasiir ku xigeenka, ayaa sheegay Xerada Baabuurka uu ku qarxay inay ku jireen labo Baabuur kaliya oo mid uu yahay Cabdi Bile, halka mid kalena uu ahaa kii qarxay, wuxuuna sheegay Gaadhigaasi inuu lahaa Taliye ku xigeenka Xerada tababarka ciidanka.

Maxamed Geedi, waxa uu sheegay Sarkaal ciidanka ka tirsanaa in si xaqdaro ah loo dilay, arintaasina uu dalbanaayo in baadhis dheeri ah lagu sameeyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay gaadhigii weerarka lagu fuliyay inuu ahaa mid yaali jiray xerada, wuxuuna su’aal ka keenay qaabka ay Al Shabaab ugu suurta gashay, inay weerar ka fuliso xero ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Maxamed Cumar Geedi oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku baaqay in baadhitaano sax ah lagu sameeyo qaabka uu weerarkaasi u dhacay iyo toogashada Sarkaalkaasi, isla-markaana ay baadhitaanada ka qayb qaataan Hay’ado Caalami ah iyo Dowladda Federalka Somaliya.

 

Comments are closed