Qaxootiga Dhaqaale Raadiska ah Dib Looga Soo Celin Doono Waddamada Reer Yurub
Brugsels:Aug,25,2015(SDN/QJ)-Midowga Reer Yurub, ayaa markale soo saaray war ka nixiyey dadka Jacaylka u haya Nolosha Dalalka Galbeedka, waxana madaxa arrimaha socdaalka u qaabilsani ballanqaaday inay dib u celin doonaan Dadka dhaqaalaha usoo raadsada dalalkooda.
Waxa uu intaas ku daray in tobanaanka kun ee qof ee ka soo cararaya meelaha ay colaadduhu ka jiraan ay xaq u leeyihiin in ay Yurub sii joogaan.
Cadaadiska iyo dhibaatada ka dhalatay dadka tirada badan ee magangelyada u soo raadsanaya waddamada reer Yuurb ayaa waxa ka dhalatay walaac ay qabaan waddamo badan.
Balse madaxa arrimaha socdaalka ee midowga Yurub ayaa sheegaya in midowga yurub ay saaran tahay mas’uuliyadda ah in uu caawiyo muhaajiriinta, taasi oo laga yaabo in waddamada qaar ayba haatan sameynayaan wax ka badan awoodooda.
Dimitris Avramopoulos ayaa waxa uu sheegayaa in uu farqi u dhaxeeyo dadka magangelya doonka ah ee ka soo cararay waddamad sida Suuriya, Libya iyo Eretria iyo kuwa yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya.
Waxa uuna intaasi ku daray in muhaajiriintu doonaya noolal ka wanaagsan tan ay waddamadooda ku haysataan oo kaliya ay tahay in dib loogu celiyo waddamadooda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com