Ugu Yaraan 14-Qof Oo Ku Geeriyooday Roobab Mahiigaano ah Oo Addis Ababa Ka Da’ay
Addis Ababa:Aug,25,2015(SDN/QJ)-Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia, ayaa Roobab xoog leh iyo daadad ka dhashay waxa ay khasaare kala duwan gaadhsiiyeen dadkii halkaasi deggenaa, waxana sii kordhaysa Tirada dhimashada dadka gaadhay.
Wargeyska todobaadlaha ah ee Addis Admas ayaa cadadkiisii ugu danbeeyey ku xusay in ugu yaraan 14 qof ay ku naf waayeen masiibooyinka ka dhasha roobabka iyo biyaha ilaa bishii juun ee sanadkan.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Addis Ababa ayaa dhibaatda la xidhiidhiya wadooyinka waaweyn ee laga hirgaliyey magaalada iyo nidaamka biyaha ka qaada caasimada oo aan ahayn kuwo isla jaanqaadi kara.
Wargeyska ayaa tilmaamay in tiradani ka badan tahay dadkii sanadkii hore ku le’dey roobabka iyo daadka ka dhasha. Waxa auu wargeysku intaa raaciyey, in aan weli la gaadhin xiligii Kiremt oo ah xili roobaadka dalka ugu muhiimsan.
Dhulka joogiisu sareeyo ee Itoobiya ayaa inta badan hela robaab laxaad leh oo mararka qaarkood ay ka dhashaan daadad khasaare geysta, halka dhulka joogiisu hooseeyo la tacaalo roob yaraan iyo abaaro ka dhasha oo keena in xoolo badan dhamaadaan islamarkaana dalagyadu yaraadaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com