|

Macallimiinta Kenya Oo Mushaharkii Xukun Maxkamadeed Loogu Kordhiyey iyo Qaddarka Kordhinta ay Heleen

Nairobi:Aug,25,2015(SDN/QJ)-Maxkamadda Sare ee Waddanka Kenya, ayaa soo afjartay kiis socday muddo toban sano ah, kaas oo u dhexeeyey Dawladda Dalkaas iyo ururrada Macallimiinta, waxana lagu muransanaa mushahar kordhin macallimiintu  dalbanayeen.

wloMaxkamadda, ayaa go’aamisay in la kordhiyo mushaharka macallilmiinta inta u dhaxaysa boqolkii konton ilaa lixdan(50-60%), waxana arrintaas si weyn usoo dhaweeyey Macallimiinta oo tilmaamay inay noloshoodu isbeddeli doonto.

Macallimiinta wax ka dhigta Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee Dalka Kenya, ayaa noqday kuwa ugu mushaharka yar dalkaasi, waxana ay mushahar ahaan bishii u qaataan lacag dhan laba boqol oo dollar, taas oo keentay inay si weyn muddooyinkii ugu dambeeeyey u cabanayeen.

Go’aankani waxa uu soo afjari doonaa murankii muddada dheer taagnaa, iyadoo macallimiinta Reer Kenya ilaa iyo sanadkii 1997-kii kuso jirey dibadbaxyo ay arrintaas kaga cabanayeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed