DAAWO:Tarbiyada caruurta iyo saamaynta tiknoolajiyadda
Ottawa Aug 25,2015(SDN/QJ)-Sheekh Saciid Cali Axmed oo aalaba halkan inooga soo jeediya barnaamijyo diini ah ayaa waxa uu manta inoo bilaabayaa barnaamij taxane ah oo ku saabsan tarbiyada Caruurta.
“Dhawr iyo labaatankii sano ee ina soo dhaafay marna waxa aan ahaa arday barta culuumta tikoolajiyada marna waa aan ku xoogsanayay. Sidoo kale mudadaas waxa aan waxbarayay xidhiidhnaa aan la lahaa caruur iyo waalid badan oo Soomaaliyeed.
Mudo laga joogo toboneeyo sano ayaan qoray maqaalo ku saabsan aalada internedka iyo saamaynta ay ku yeelan karto barbaarinta ubadaka. Waqtigaa dheer ee ka soo wareegay waqtigii aan qoaray maqaaladaas isbadal wayn ayaa ku dhacay tiknoolojiyada, saamaaynta ay yeelatay khaasatan ay ku yeelatay tarbiyada ubadku waa mid u muuqata qof kasta oo mawduucan u dhuun daloola. Sidaa darteed ayaa waxa aan mar kale idinla wadaagi doonaa barmaamijyo gaagaaban oo ku saabsan mawduuca tarbiyada ubadka iyo saamaynta tiknoolajiyada ee tarbiyada ubadka.Waxaan rajayn in laga faa’idaysto.”