|

”Cali Khaliifoow Maanta Waxaa tahay Nin da’ ah oo Nabadda Dhalin Lahaa….”Wasiir Xaglo-toosiye

Hargeysa,24Aug,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland,  Saleebaan Ciise Axmed [Xaglo-Toosiye] oo maanta kusoo laabtay magaaladda Hargeysa kaddib safar uu ku tagay Buuhoodle, ayaa baaq u diray Cali Khaliif Galeydh.

 

Wasiirka oo duleedka magaalada ay kaga hortageen Wasiirro, Xildhibaano, Dadweyne iyo Madax-dhaqameed kuwaas oo si heer sare ah ugu soo dhoweeyey magaaladda.

 

Wasiirka caafimadka Xaglo Toosiye ayaa digniin u diray Cali khaliif Galaydh oo uu sheegay in aanu ahayn da’dii dagaaladda bilaabi alhaa ee uu ku soo noqdo horumarka iyo nabadda gobolka.

 

“Fikir khaldan ma ogoli cid kasta oo nabad diidan ma ogoli, waxaan uga digaya qolada Buuhoodle ka tagay ee Bali-cade fadhiya ee qaska wada inay ka waantoobaan waxay ku sugan yihiin”ayuu yidhi Xaglo Toosiye oo fariin u diray Cali Khaliif Galaydh.

 

Wasiir Xaglo Toosiye oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Cali Khaliif waxaan leeyahay hadda Nin weyn oo da’ ah baad tahay, kii maanta nabadda dhalin lahaa baad tahay kii maanta xabad qaadan lahaa ma tihid.Kii maanta nidaamkan yar ee khaldan ee imika aad ku socoto ma tihid, kaalay oo ka qaybqaado nabaddgelyada iyo horumarka.”

 

Si kastaba ha ahaatee, wasiir Xaglo Toosiye ayaa safar shaqo ku maqnaa magaladda Buuhoodle wakhtigaasi oo uu ku sugnaa siyaasiga ay aad iskaga soo horjeedaan ee Cali khaliif Galaydh, waxaanu dhawr jeer oo hore ku celceliyey in aan magaaladan Buuhoodle noqon goob dagaalo iyo colaado laga dhigo isla markaana aanu ogolaan doonin dagaal uu wiil dambe ku dhinto.

 QJ/SDN:HARGEYSA

Comments are closed