|

Qabri lagu Aasay 42-qof oo laga Helay Dulleedka Hargeysa Aas Qarana loo Sameeyay (DAAWO SAWIRRADA)

Hargeysa,24Aug,2015(QJ/SDN)-Illaa Afartameeyo Qof oo la-fahooda laga helay khabri keliya oo horay loogu duugay ayaa laga helay duleedka waqooyi ee Magaaladda Hargeysa. Lafahan la helay ayaa ahaa 42 qof oo meel kaliya lagu aasay, kuwaasoo maanta Aas Qaran loogu sameeyay lafa-hooda Duleedka Magaalada Hargeysa.

Lafaha marxuumiintan ayaa laga soo saaray Xabaal wadareed ku taala agagaarka Kaamka biyo-shiinaha oo la doonayay in tuubadii biyaha laga qaddo taas dadkii qodayey ku arkeen dad ku dhow dhow afartameeyo qof oo goob kaliya ku duugan, kuwaas oo loo sameeyey goob u gaar ah.

 20158246357601032944559470933778 

Lafahan la helay ayaa la doonaya in la isku soo ururiyo oo jinaaso loo sameeyo maadaama oo waqtigaas aanay nasiib u helin, isla markaana goob u gaar ah lagu aaso si loo xermooyo maytidda sida shareecadda islaamku ina farayso.

 2015824635760103600200545023444

Wasiirada Cadaaladda, Warshadaha, Maayirka Caasimadda, Gudomiyaha xafiiska Baarista xasuuqa, Culimo ka tirsan Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, iyo Masuuliyiin kale oo badan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galay Aaska dadkaasi.

 2015824635760103927375697086666

“Waxaanu bilawnay biyo balaadhintii Hargeysa, markaa halkii beeb la marin lahaa ayaanu ku aragnay Kuus yar oo aan xabaal u eekayn laakiin, meel yar oo ciiddi tuuran tahay ah, markaa dadkii degaanka ayaa yidhi meeshaasi dad baa ku aasan oo marar bay lafahaasi soo baxaan, kadib waxaanu samaynay inaanu la xidhiidhno wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo guddida xasuuqa”ayuu yidhi maareeyaha biyaha Magaalada Hargeysa Ibraahim Yoonis oo ka hadlayey sida lafahan u heleen.

 20158246357601045380448990922334

Sidoo kale, laga soo saaray  xabaasha dadkaasi Maryihii ay xidhnaayeen iyo alaabooyinka ay siteen oo ay ka mid yihiin, Cadar, Gafeedh, Tusbax, Weel cunto iyo Walxo kale oo muujinaya sida dadkaasi u ahaayeen dad shacab ah oo qaxaya, waxaana loo malaynayaa inay diyaaradihi dawladdii Siyaad Bare ku duqeeyeen.

 2015824635760104827559941LAFAHA LA HELAY

“Dadka Halkaan lagu Xasuuqay Waxay ahaayeen Dadkii ka Cararayay Madaafiicdii kasoo dhacayay Madaarka ee isku dayay inay badbaadan iyagoo xagga Waqooyi Magaalada uga soo baxay dabeedna lala soo daba galay Baroonka iyo diyaaraddaha duqaynayay ee South African-ku wadeen” ayuu yiri Guddoomiyaha guddida xasuuqa Khadar Like oo arrintan ka hadlay.

 2015824635760105232104875097777

Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Maydadkaa 42-ka ah ee aynu dul taagannahay maanta ee sida gar darrada ah loo laayay ee laga soo qoday intii beebkaas magaalada lagu sii wadaa ku hagaagay iyadoon hareereheedii la dayin waxay calaamad yar uun ka tahay dalka wixii ka dhacay”.

 

Si kasta ha ahaatee, inta badan Gobollada waxa hay’adda Baarista Xasuuqa ee Somaliland Waxay Sheegtay in Goobo badan ay Calaamadiyeen ay ku jiraan Lafo sidan oo kale ah oo muujinaya in dad lagu laayey, waxa kale oo baadhitaan ku wadda hay’addo caalami ah oo caalamka ka baadha goobaha xasuuqyaddu ka dhacdo.

 

Comments are closed