Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiir Ku Xigeen Cusub U Magacaabay Wasaarada Qorshaynta Qaranka
Hargeysa,24Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada qorshaynta qaranka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada somaliland aya alagu magacaabay wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada qorshaynta, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu
digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3515/082018 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir ku xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.
Madaxweynaha:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada ahna ku simaha Afhayeenka Madaxtooyada JSL.