|

Dowladda Somalia oo sheegtay inay Al-shabaab kula dagaalameen Gobolka Shabeellada Hoose

Muqdisho,24Aug,2015(QJ/SDN)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay Al-shabaab ka saaraan qar ka mid ah deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Maxmed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay wadaan Hawlgallo looga saarayo Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellada Hoose.

 

“Ciidamada Nabadsugidda Dowladda waxay shalay u gurmadeen Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-shabaab kula diriray deegaanka Mareerey oo Gobolkaas ka tirsan, taasoo keentay in laga guuleyso Al-shabaab,” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf oo la Hadlay Raadiyaha ku Hadla Afka Dowladda ee Radio Muqdisho.

 

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay In ciidamadu ay ku dileen dagaalkaas xubno ka tirsan AL-shabaab, inkastoo uusan sheegin tiro ahaan inta ay le’ekaayeen, mana uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

 

Ugu dabmeyn, Maxamed Yuusuf ayaa intaas ku daray inay sii Soconayaan Howlgallada lagu beegsanayo Al-shabaab; kuwaasoo uu sheegay inay caado ka dhigteen inay laayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Si kasta ha ahaatee, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalkan ay dowladdu sheegtay inuu Ciidamadooda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Mareerey ee Gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

Comments are closed