Sanadkan 2015-ka Oo Ay Xeebaha Dalka Talyaaniga Ka Gudbeen 100,000,Halka 2,300 Oo Kale Badda Ku Geeriyoodeen
Rome,24Aug,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya Dalka Talaayniga,ayaa sheegaya in Xeebaha Dalkaasi ay si weyn ugu soo qul-qulayaan Dad Muhaajiriin Afrikaan u badan,kuwaas oo soo beegsanaya Qaaradda Yurub.
Ciidamadda Badda ee Dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Maalmihii ugu danbeeyay soo bad-baadiyeen Muhaajiriin tiro badan,kuwaas oo badda dhex sabaynayay.
Sida laga soo xigtay Saarkiisha Samata-bixinta ee Dalka Talyaaniga iyo Haay’adaha dadka Tahriibayaasha ah Dib-u-dajinta u sameeyaa,waxa Sanadkan 2015-ka Badda Mediterranean nafdooda kusoo biimeeyay in ka badan 100,000 oo qof oo Muhaajir.
Dhinaca kalena,waxa la sheegayaa In Sanadkan ay Badda Talyaaniga ku geeriyoodeen dad ka badan 2,300 oo beegsanayay Qaaradda Yurub.