Ciidamada Ammaanka Angola Oo Si Xisaab La’aan ah Xabsiga Ugu Guray Soomaali Dalkooda Joogtay
Luanda:Aug,24,2015(SDN/QJ)-Wali waxa Dalka Angola ka socda tallaabo ay Ciidamada Booliska Dalkaasi ku beeganayaan Soomaalida Dalkooda joogta, waxana xabsiga la dhigay tiradii ugu badnayd ee Soomaali ah.
Maxamed Deeq Dhiblaawe oo ah afhayeenka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Angola oo la hadlayay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay dhallinyarada Soomaalida ah ee ay qabteen Booliska dalkaasi, wuxuuna sheegay inay ahaayeen dhallinyaro dalkaasi ku ganacsata.
“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa laga soo qabqabtay goobahoodii ganacsiga waxaana loo taxaabay xabsiga iyadoo lagu eedeeyay inay dalka sharci darro ku joogeen” ayuu yidhi afhayeenka jaaliyada Soomaalida Angola.
Ku dhowaad 100-dhalinyaro Soomaali ah ayaa la dhigay xabsi ku yaala magaalada Luanda ee dalka Angola, iyadoo qaar ka mid ah dhallinyaradaasina loo geystay jirdil iyo ciqaabo kala duwan.
Howlgalka ay sameeyeen ciidamada Angola ayaa u gaar ahaa Soomaalida degan dalkaasi, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan inay abaabuleen ajaanibta dalkaasi ku ganacsatada isla markaana ay laaluush ku bixiyeen in la barakiciyo muwaadiniinta Soomaaliya u dhashay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com