|

Musharaxa madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Ucid oo loogu sameyey casho sharaf toos ula soco sawirada

London 24Agust15(SDN)Tageerayasha Xisbiga Ucid ee Uk oo Xaflad Casho sharaf  ku maamusay Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga ucid Cabdirashid Xasan Mataan xafldan oo  toosa uga socota Huteelka Safari ee galbeedka London  .Xafladan oo ay soo abaabuleen Garabka haweenka UCID  laantiisa UK  ayaa waxa ka qoo qayb galay dhamaan lamaha Xisbiga Ucid oo hormeed ka yihiin Gudoomiyaha London Marwo Ifraax Baruud ,Xoghayaha Maaliyada Yurub  Faysa Cawil ,Xoghayaha qaarada yurub marwo Nuura Ciise Omaar waxa halkaas khudbad  dheer  ka jeediyey musharaxa madaxweyne ku xigeenka UCID.C/rashiid Xasan Mataan waxana  uu diirada ku saaray dib u dhicii doorashada, xukunkii maxkamada, murankii heshiiskii xukumada iyo xisbiyada iyo go’aankii ay ka qaateen ka xisbi ahaan Isagoo ka hadlaya xaalada dalka ayuu waxa uu dadkii halkaa isugu yimid uga waramay xaalada dalka oo uu ku tilmaamay mid sharcigii dalku aanu shaqayn, danaysiguna ka horeeyo kii qaranka, waa sida uu sheegay. Musharaxa C/rashiid Xasan Mataan waxa uu sidoo kale casho sharaftaa kaga hadlay qaybyada horyaal somaliland  khilaafka iyo dib u dhaca doorashooyinka 

Musharax C/shariid, isagoo muujinaya walaaca uu kaqabo xaalada sharci ee dalka waxa uu sheegay in xukumada Axmed Maxamed Siilaanyo ay tahay ta iyadu in ay fuliso sharciyadii ay ku timid, oo ah doorasho, balse taas uu maanta mugdi saaran yahay.
“Doorasho aynu qababo oo madaxweyne madaxwyene kale ku badalo waa dumuquraadiyadii aanu iibinaynay ee ay Somaliland caalamka ku sabatay, taas oo aynu dhaqaale badana ku helnay, nasiib daro maanta taasi meesha ayey ka baxday” ayuu yidhi musharax C/rashiid. gabagabadii casho sharafta ayaa waxa u mahad celiyey dhamaan tageerayasha xisbga Ucid ee Uk iyo madaxda xisbiga laamaha xisbiga oo uga mahad celiyey tageerada mugta leh ay u hayaan xisbigaUcid taas oo muujinaysa inay hanteen kalsoonidii shacabka reer Somaliland.

filo sawirada qaybta labaad.

DSC_0200DSC_0194DSC_0192DSC_0162DSC_0162DSC_0140DSC_0121DSC_0114

Comments are closed