|

DAAWO Sawirada Shirkii uu Soo Qaban Qaabiyey Safiirka wareega ee Somaliland Amb Kaysar Cabdilahi Mohamed oo kadhacay BRISTOL UK

Bristol Aug 23,2015(SDN/QJ)-Waxaa  maanta  lagu qabtay  magaalada  Bristol UK munaasibad  aad  u  balaadhan  oo Looga  hadlayey   Arimaha  Xagjirnimada  laxidhiidha     iyo   dhalinyarada ku soo Badanaysa  ee  ku  biiraya  Colaadaha   ka Aloosan   wadamada   Suuriya,  Ciraaq,  hadaba    shirkan  oo ay  kaso qaybgaleen  masuuliyiin  sarsare  oo  kasocda   dawlada  UK.

Culimada  Diinta iyo Saraakiil  ka socday madaxda  booliska  iyo dhamaan  Laamaha   Amaanka  ee  ingiriiska, dawlada  hoose ee  magaalada  Bristol  iyo  dhamaan  Ururada
Bulshada  ee kala duwan  ee ku dhaqan wadankan  UK.
Shirkan   oo  uu  soo Abaabulay  soona  qaban qaabiyey  safiirka   wareega    ee  jamhuuriyada  somaliland  Amb   Kaysar  Cabdilahi Mohamed ayaa waxa uu u dhacay si aad  iyo aad  u wanaagsan iyada oo dhamaan  dadkii  ka soo qaybgalay sharkini   ay aad  ula dhaceen    Qaabka  wanaagsan  ee  loo soo  Agaasimay, iyada oo  halkaasi  laga  hadlay in  Qofkastaba  uu dhalinyara  uu isha  ku hayo  dhaqdhaqyada  ay samaynayaa,in  markastabana  wacyi  galin   Buuxda  lasiiyo  dhamaan  qaybaha  kala  duwan ee  Bulshada,  ugu dambayntii  waxa  halkaasi  u  mahadnaqay dadkii  kasoo qaybgalay safiirka  wareega ee somaliland  Amb  Kaysar Cabdilahi Maxamed  waxanu yidhi waxan  aad ugu mahadnaqayaa dhamaan  Jaaliyada  reer bristol  oo dhan Haween,Rag, Caruur  iyo  Ciroolaba,  sida wanaagsan ee  ay uga soo  Qaybgaleen    shirkan  oo   Bilow  ah  hada    oo aynu  halkaasi   sii wadi doono    hadii   alleh  yidhaah  ayuu   yidhi.
  ABDI   BARUD     XARAGO   BRISTOL   UK,
11 Attachments

Comments are closed