“Cukusow idinku ka dabbaasha oo Saleebaan Gaal-na haka tegina anagu doorasho doon uun baanu nahay xilkayagana waanu garanaynaaye….”Cali Gurey
Hargeysa:Aug,23,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa ka jawaabay hadal maalintii shalay kasoo yeedhay wasiirka Warfaafinta Mudane Cukuse oo nuxurkiisu ahaa inay axsaabta mucaaridka ahi xukuumadda ku taageerto sidii dalka doorasho looga qaban lahaa.
Mujaahid Cali Gurey oo qoraal uu arrimahaas kaga jawaabayo soo dhigay Bartiisa Face-book-ga, ayaa ku adkaysanaya inaanay xukuumaddu wali diyaar u ahayn inay doorasho dalka ka qabato, isla-markaana wali beentii hore ay dadka ku maaweelinayso.
Qoraalka Cali Gurey, ayaa sidatan u dhignaa:
“Waayahaye maxaa laga yeelayaa laba sanadood oy cid walba been u soo sheegayeen iyaga oo mar kasta lahaa ” WAANU OGOLAHAY DOORASHADA WAY QABSOOMAYSAA WAKHTIGEEDII BAY KU WABSOOMAYSAA. Beesha Caalamka maxay ku qancinayaan ” DOORASHADU WAY QABSOOMAYSAA WAKHTIGEEDA AYAY KU QABSOOMAYSAA WAANU OGOLAHAY.” Yaa beenaalayaal aaminaya. Ujeedada marka aad sadarada dhexdooda akhridu wuxu u jeedaa WAAR ANAGU CID WALBA BEEN BAANU U SHEEGNAYE KAALAYA IDINKU MARKAN BEENTA U SHEEGA QAADHAAN BIXIYAYAASHA. CIDDA AY CAAMAYNAYAANA MAAHA WADDANI EE WAA UCID HADII UU KA YEELAYO GUDOOMIYE FAYSAL IYO HADII KALEBA. Markan UCID Haye Fudud isaga ayaa xisbi ahaan ku kala jabi karo waayo xaalkan anigu kolay waxan ka joogaa INAANTAA MEHER KEEDA MAR WIXII IGA GAADHAY DIB LA II SOO MARIN MAAYO
Waxan leeyahay Cukusow idinku ka dabaasha oo Saleebaan Gaal ha ka tegina anagu doorasho doon uu baanu nahay xilkayagana waanu garanaynaa wax kalena ku darimaynu dembiga Saleebaan Gaal anagu damamasi mayno intii ku raacsanayd ha damamasto
Ku soo qanciya idinku cid kasta in doorashadu dhacayso 28 March 2017ka anaguna waa tii aanu ogolaanay go’aankii waanu u hagaasanahayna waa maxay wax kale ee la naga doonayaa? BAL ADBA!
Xisbi walba waxa ugu jira Guddi Hawleedka Komishanka ee loo yaqaan ” Task Force” ka laba xubnood kuwaa ayaa noo ah focal point marka ay tahay wada shaqaynta dhinaca hawlaha doorashada iyaguna waa xaadir waxana laga hagaa xarumaha xisbiyadooda hadii aanay jirin wax khilaaf ah oo u baahan hogaamada sare ee xisbiyada iyaga ayaa ku filan Cabdillahi Cukuse bal ha sheego waxa lagala shaqaynayo. Waar waa filimkii hore iyo Guurtida nala dhiraan dhiriya uun bay u egtahay. Doorasho diidkii waxa ay ku hawlan yihiin doorasho inay qabsoonto maaha ee waa in aanay qabsoomin wuxu u jeedaa waa taa nagala dhaqeeya. Jawaabtu waa diidnay Saleebaan Gaal u sheega isaga ayaan xumo u Joog ah oon waxba isku falayn eh”
SDN/QJ