|

Madaxweynaha Somaliya oo sheegay in la adkayn doono ammaanka xeryaha lagu tababaro Ciidamada

Muqdisho,23Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaadey xarun ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku lahaayen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Madaxweynaha, ayaa sheegay in weerarkaasi uu qayb ka yahay falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku wiiqaan horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso.

 

‘’Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen geesiyaashii maanta lagu laayey falka argagixiso ee ka dhacay Kismaayo. Soomaaliya waxay leedahay hadaf ah inay nabad waarta gaarto, suuragalna ma ahan in kooxo yar ay shacabka ka weeciyaan hadafkaasi saliimka ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la samayn doono baaritaan ku saabsan sida weerarkan u dhacay.

 

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku daray in dowladda ay xoogga saari doonto adkaynta xeryaha lagu tababarayo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Xerada weerarka uu ka dhacay, ayaa waxaa ka socdey tababar qayb ka ah barnaamijka heerka qaranka ee isku dhafka Ciidamada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha, ayaa hadalkan ku sheegay War Saxaafadeed caawa ka soo baxay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

Comments are closed