|

Qarax Lagu Hoobtay Oo Maanta Ka Dhacay Xerro Ciidan Oo Ku Taalla Magalaadda Kismaayo Iyo Khaasaaraha Ka Dhashay

Kismaayo,22Aug,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland,ayaa sheegaya in Saaka Barqadii uu halkaasi ka dhacay qarax is-miidaamin ah,kaas oo lala eegtay Xarun Lagu Tababaro Ciidanka Xoogga oo loogu talo-galay in ay Hawl-galaan Guud ahaanba Dalka Somaliya,isla markaasna ay Hawla nabadda gala wareegaan Ciidanka AMISOM.

Ugu yaraan 10 Qof oo u badan Ciidamo Somali iyo Ajaanib ah iyo Dad rayid ah,ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen Qaraxaas oo loo adeegsaday Gaani Nooha ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,waxaana dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Ilaa hadda lama oga cid fulisay weerarkaas,mana jirto Cidd masuuliyadiisa sheegatay.Balse waxa laga shaki qabaa inay ka danbeeyeen Xoogaga Al-shabaab oo dagaal muuqaalo badan kula jira Xukuumadda Somaliya iyo Ciidamadda Ajaanibka ah ee Dalkaas ku sugan.

Comments are closed