Shir Ay Isigu Yimaaadeen Beesha GARXAJIS Oo Ka Dhacay Magaalada Riyaad, Qodobana Ay Kasoo Saareen
Riyadh,22Aug,2015(QJ/SDN)- Waxaa caasimadda dalka Sucuudiga ee Riyaad ka dhacay shir si heersare ah loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen waxgarad ka kala yimid goboladda Sucuudiga: Riyaad, Jiddah, iyo gobalka bariga (Dammam, Dahran, Khobar).
Shirkani waxa uu ku xidhiidhsanaa oo raad raac u ahaa shirkii beel waynta Garxajis ee ka dhacay Hutel Ambassador ee Hargeysa dhamaadkii bishii Ramadan ee sanadkan. Shirkan waxaa gundhig u ahaa qodob ka mid ahaa go’aamaddii ka soo baxay shirkaas oo u qornaa sidan;
(Waxaa Shirku ugu baaqay dhamaan xubnaha beelaha Garxajis ee degan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in ay af iyo adinba ku taageeraan shirweynaha, suurogaliyaana helitaanka, sida ugu degdegsan, miisaaniyadda ku baxaysa)
Waxgaradkii Garxajis ee ka soo qayb galay shirkan Riyaad waxa ay si qotodheer u falanqeeyeen go’ aamadii ka soo baxay shirkii Garxajis ee la gu qabtay Hargaysa . Waxayna warbixin ka dhegaysteen laba xubnood oo ka tirsan Gudidda Garxajis ee mandaqadda Sharqiya oo si xeedheer ugu sheeekeeyay sidii ay u bilaabatay, sidii la isugu xidhay xubnihii waxgaradka beesha Daa’uud Ismaaciil iyo Beesha Siciid Ismaaciil ee qaban qaabiyay, iyo qaabkii uu u dhacay kulankaas. Waxaa kale oo ay labadaas xubnood ka qayb galayaasha shirka Riyaad uga warrameen
Kulamo ay dalkii, Somaliland, kula qaateen Gudidda qabanqaabinaysa shirweynaha beel weynta Garxajis ee SAMA-KA-TALIS” ee Beelaha Garxajis. Waxaa kale labadaas xubnood u tebiyeen waxgaradka Garxajis ee boqorooyada Sucuudi Arabiya fariimo iyo codsiyo ay ka sideen Gudidda qabanqaabada Shirweynaha Garxajis.
Gebagabaddi waxgarada Garxajis ee matalayay gobolada Sucuudigu ee ka soo qaybgalay shirka Riyaad waxa ay shirka ka soo saareen qodobadan soo socda:
1) In dhamaan Garxajiska ku nool dalka Sucuudigu ay taageersan yihiin dhamaan go’aamaddii ka soo baxay shirkii Beelaha Garxajis ee bishii June 28k keedii 2015, lagu qabtay hotel Ambassador Hargeysa haldoorka beelaha GARXAJIS oo ay ku jireen salaadiin, cuqaal, odayaal , siyaasiyiin , waxgarad, aqoonahan , ganacsato iyo dhalinyaro.
2) In beel waynta Garxajis ee ku nool Sucuudigu ay samaystaan gudiyo fuliya go’aamaddii ka soo saareen haldoorka beelaha GARXAJIS oo ay ku jireen salaadiin, cuqaal, odayaal , siyaasiyiin , waxgarad, aqoonahan , ganacsato iyo dhalinyaro.
2A) In guddiyadaasi ay now dawn saddex guddi xarumahoodu yihiin Riyaad, Jiddah, iyo Dahraan
3) In beelaha Garxajis ee degan dalka Sucuudigu ay samaystaan sanduuq xisaabeed lagu ururiyo dhaqaalaha lagu fulinayo Shirka Garxajis weyne ee Samo_Ka_Talis. Si dhakhso ahaa loo bilaabo.
4) In isgaadhsiinta, kala warqaadashada iyo isu gudbinta Guddiyada la xoojiyo si hawlaha qaban qaabiyay shirka SAMO- KA_ TALIS.
Waa Bilaahi Tawfiiq