|

Labada Kuuriya oo qarka u saran dagaal hubka Nuclearka la isku isticmaalo

Seoul Aug 22,2015(SDN/QJ)-Dalalka labada Kuuriya ee Konfur iyo Woqooyiga ayaa manta ay dhici kartaa in dagaal lagu hoobto uu ka dhex qarxo.

Labada Kuuriya ooh ore dhawr jeer u dagaalamay ayaa laga yaabaa in haatn hadii uu dagaal dhex maro in ay isu adeegsadaan hubkaNuclearka.

Xiisada haatan labada dal u dhexeysa ayaa ka bilaabatay kolkii Kuuriyada Woqooyi ay miino ku aastay dhulka labada dal u dhexeeya, miinooyinka oo ay ku waxyeeloobeen lab aka mida ciidamada Kuuriyada Koonfureed.

Konfurta ayaa intaa ka dib codbaahiyeel ku xirtay xadka labada dal, codbaahiyaha ayaa lagu aflagaadeeyay madaxweynaha Woqooyiga Kim Jung-un.

Ciidamada labada Kuuriya ayaa intaa ka dib is weydaarsaday madaafiicda Goobta.

Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jung-un ayaa ilaa maata u qabtay in Kuuriyada Koonfureed ay joojiso baahinta dacayadiisa .

Qaramada Midoobey iyo Mareykanka oo ciidamo ay ka joogaan xadka labada Kuuriya ayaa ku baaqay in xiisada la dejiyo.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed