|

Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Dabadaqadaha Sii Kala Fogaanaya Ee Somaliland Ka Samaysmaya

Hargeysa:(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(aadan-siiro)oo kamid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa ka hadlay sida ay shacanka reer Somaliland usii kala fogaanayaan, isla-markaana usii noqonayaan dabaqado kala sarreeya oo aan isu dhaweyn.

ssiSheekha oo salaaddii jimacaha ee shalay masaajidka uu imaamka ka yahay ka akhriyey khudbad uu arrimahaas kaga hadlayo, ayaa ku dheeraaday sida hantidii umaddu lahayd ay gacanta ugu gashay koox yar oo kooban, isal-markaana ay dadka intiisa badani haatan noqdeen qaar faro madhan oo aan noloshooda dabbari Karin.

Sheekh Aadan waxa uu sheegay in Hargeysa Noqotay meel guryaha Deriska ah qaarkood cuntada dibadda ku daadiyaan, qaarkoodna gaajo iyo baahi u dhimanayaan,

“Maanta Hargeysa waxa ka dhacday in aqallada  qaarkood intaas oo Baabuur lagu doono Raashinka gurigaasi cunayo, iyadoo laga yaabo masaafad mitirro u jirto in lagu bakhriyayo.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Aadan Siiro oo Hadalkiisa sii wata sidoo kale sheegay in xogaha Somaliland ee dhinac walba ah loo gudbiyo dalalka reer Galbeedka, taasna ay fuliyaan Hay’adaha waddanka ku sugani, waxana uu yidhi,

“Wax allaale iyo waxaas nabad ah ee aynu haysanno waa la inagu haystaa, tawxiidkaas aynu meesha ku qornayna waa la inagu haystaa, saacad walbana wixii somaliland kusoo kordha iyadoo turjuman ayey nimanka maanta dunida haystaa hayaan, wax allaale iyo waxaas Hay’ado dalka ku suganna mid aan basaasiini joogini ma jirto.”

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed