Afar Kamid ah Mucaaridka Dalka Ethiopia Oo Maxkamadi Sii Daysay Kadib Muddo dheer Oo Ay Xidhnaayeen
Addis Ababa:Aug,22,2015(SDN/QJ)-Afar kamid ah Mucaaridka Dalka Ethiopia, ayaa laba maalmood ka hor Maxakamada federaalka ahi amartay inay xorriyadooda dib ugu soo celiso, iyadoo haatan ka hor xubnahaas lagu eedeeyey arrimo Argagixiso.
Waxaa la sheegay in maxkamadu weyday wax marag ah oo muujinaya in ragani faraha kula jireen wax argagixso ah.
Laba ka mid ah xubnahan ayaa ka tirsan xisibga mucaardka ah ee Andhinet, halka labada kalena ay ka kala tirsan yihiin xisbiga Arena oo ka jira gobolka Tigreega iyo xisbiga Blue Party.
Inkastoo maxkamadu go’aamisay in ragan oodda laga qaado waxa ay weli ku jiraan xabsiga.
Gebru Asrat oo ah masuul ka tirsan xisbiga Arena ayaa soo dhaweeyey go’aanka maxkamada waxuuse sheegay in ay weli jiraan siyaasiin kale oo xidhan oo u baahan in xooriyadooda loo soo celiyo.
Gudoomiyaha Blue Party ayaa isugu su’aal ka keenay qabashadii hore ee siyaasinta isaga oo xusay in dad aan dambi lahayn xabsiyada dalka xilli dheer lagu hayo.
Xubnahan mucaaradka ah ayaa la qabtay bishii Julay ee kale hore iyaga oo intaa xabsiga dhax kuududay.
Ururad u dooda xuquuqda aadanaha iyo kooxaha mucaaradaka ah ayaa dawlada ku eedeeya in ay sharciga lidka argagixisada u adeegsato cambudhinta dadka ka soo horjeeda siyaasadeeda.
Masuulyiinta maxkamadu fasaxday ayaa rumaysan in dawlada loo mucaarado si nabadgalyo ah oo aan shaqaaqo lahayan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com