|

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ku Tilmaamay Qawleysato Guddidii Uu Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Dib-U-Habeynta Shuruucda Dhulka, Kuna Edeeyay Inuu Shaqadii Maayirada Farogaliyay

Hargeysa,22Aug,2016(QJ/SDN)-Suldaanka Guud Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku tilmaamay qawlaleysato Guddida uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) u magacaabay Guddida dib-u-habeynta Dhulka oo ka kooban 12-Wasiir, isaga oo eedeeyey Madaxweyne SIILAANYO inuu farogeliyay Shaqadii Maayirada dalka.

Sidaa waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku sheegay mar uu Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Suldaan Maxamed

Mar la weydiiyay Suldaanka Guud Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir sida uu u arko guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay dib-u-habeynta Shuruucda Dhulka oo ka koobnayd 12-Wasiir? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Guddidaasi (Guddida Dib-u-habeynta Shuruucda Dhulka) runtii waxaan u arkaa guddi qawlaleysato ah,intaasi oo uu  dhowr jeer ayuu guddi u magacaabay waa la ogaa inay bulshada madaxa isku geliyaan mooyaane wax kale garan maayaan. Guddidan  qaar ka mid ahi waa daacad,balse qaar badan oo ka mid ahi iyagaaba dhul doon ah, Madaxweynu waxa uu si cad u farogaliyey shaqadii dawlada Hoose Maayirka anagaa dooranay,Madaxweynahana anagaa dooraney mid walba waa inuu shaqadiisa qabsadaa. Maayiraduna way ku filan yihiinshaqadooda waana in lagu garab istaago”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ku taliyay in la magacaabo ayay ahayd Guddida dib-u-habeynta Dhulka marka la sameeyo Xeerka Dhulka, waxaanu yidhi“Guddidani waxay ahayd in la magacaabo marka xeerka loo sameeyo dhulka, xataa lagama talo-galin Maayirada”

Mar la weydiiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir sababa uu u dhaliilayo guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay dib-u-habeynta shuruucda dhulka, ayaa waxa uu yidhi “Guddidii ugu dambeeyey waxay ahaayeen kuwii dhulka MASALAHA ee aanu cashuurtiisa bixino ku sheegay Dan-guud. Dhulkaasi sharcigiisa waanu haysanaa markaa madaxweynaha waxaanu leenahay guddidaasi way sii murgin doonaan arrimaha dhulka haddii aan xeerka deg deg loogu sameynin waxay noqon doontaa ,hangool ku boob haddii aan arintaasi wax laga bedelin”

Hadalka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka danbeeyey, Kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shalay digreeto Madaxweyne Ku magacaabay guddida hawsha diyaarinta Siyaasada dib-u-habeynta dhulka oo ka kooban 12-Wasiir oo xukuumadiisa ah.

Comments are closed