|

Nin Jeex Jeexay Nuqul Kamid Ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Kadibna Musqul Ku Tuuray Oo Rabshado Ka Dhasheen

Munich:Aug,21,2015(SDN/QJ)-Rabshado  waxyeello kala duwan  sababay, ayaa ka dhashay kadib markii nin soo galooti ahi uu xero qaxooti oo ku taalla dalka Jarmalka kudhex jeex jeexay Nuqul kamid ah Kitaabka Quraanka kariimka ah.

nuqulIlaa iyo haatan inta la ogyahay waxa halkaas ku dhaawacan tahay  17-qof, oo lix ka mid ah ay askar yihiin, kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Qalalaasaha ayaa bilowday kaddib markii dad lagu qiyaasay 20 qof oo megengelyo doon ah ay weerar ku qaadeen nin u dhashay dalka Afghanistan oo ay ku eedeeyeen inuu jeejeexay bogagga kitaabka quraanka kariimka, uuna ku tuuray musqul.

Markii ciidamada amniga ay isku deyeen inay kala dhexgalaan dadka rabshada ay ku dhexmareysay xerada oo ku taalla magaalada Suhl, weerar ayaa iyagana lagu qaaday.

Siyaasiyiinta ayaa waxa ay ka digayaan xiisadda sare u sii kacaysa ee ka taagan gudaha Jarmalka.

Dalkaasi waxa uu la hirdamayaa u adkeysiga tirada dadka soo galootiga ah ee sii badaneysa ee gudaha dalkaasi iska dhiibaya.

Qiyaastii 800 oo qof oo qaxooti ah ayaa la filayaa in sanadkan dalka Jarmalka ay gaadhaan, maadaama dalkaasi ballan ku qaaday inuu degenaansho siin doono Kumanaan muhaajiriin ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidisporanews.com

Comments are closed