Rurgta Ganacsiga Somaliland Oo Shaacisay Xilliga ay Qabsoomi Doonto Carwo-ganacsiyeedkii 7-aad Ee Somaliland
Hargeysa:Aug,21,2015(SDN/QJ)-Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaacisay in dhammaadka bisha Tobnaad ee Socota ay bilaabmi doonto carwo-sanadeedkii Somaliland laga qaban jirey oo ay Rugtaasi qabanqaabadeeda leedahay.
Shir jaraa’id oo ay masuuliyiinta Rugtaasi maalintii shalay xaruntooda ku qabteen, ayey ku shaaciyeen inay u qoondeeyeen qabsoomidda Carwo-sanadeedkaas 31-ka bisha Tobnaad ee Socota, isla-markaana ay socon doonto muddo Toddobaad ah.
Guddoomiyaha Rugtaas Md Maxamed Shugri Jaamac oo ku dhawaaqaya Munaasibaddaas, ayaa waxa uu yidhi,“Rugta Ganacsiga ee Somaliland waxay si ramsi ah u baahinaysaa in carwo-sanadeedkii Somaliland ay sanadkan dhici doonto 31-ka bisha Tobnaad ilaa 7-da Bisha 11-aad ee Sanadkan, sidaas darteed Rugta Ganacsigu waxa ay ugu baaqaysaa ganacsatada Reer Somaliland iyo kuwa caalamiga ah, hay’adda Dawliga ah iyo NGO-yada ahba inay kazoo qayb galaan,” ayuu yidhi Maxamed Shugri.
Guddoomiye Shugri, ayaa ugu baaqay Ganacsatada inay kazoo qaybgalaan Carwadaas, isagoo ku tilmaamay Fursad muhiim u ah, waxana uu yidhi,
“cidkasta oo danaynaysa waxa laga codsanayaa inay kazoo qaybgalaan, ganacsigoodana kusoo bandhigaan, maadaama ay ganacsatada u tahay fursad qaali ah.”
Carwada Ganacsiga Somaliland ayaa sanadkiiba Hal mar lagu qabtaa Gudaha Magaalada Hargeysa, waxana qabanqaabisa Rugta Ganacsiga, iyadoo ay Ganacsatadu halkaas ku soo bandhigaan Ganacsiyadooda kala duwan, halka dhinaca kalena Macaamiishu helaan fursado qiimo-dhimiseed oo ay waxyaabo jaban ku helaan.
SDN/QJ