|

Mashruuca Dhismaha Waddada Cad Ee Sallaxley Oo Hadda Laga Faraxashay 36KM +Daawo Sawiradda

Sallaxley,20Aug,2015(QJ/SDN)-Wadada isku xidha Magaalooyinka Hargaysa iyo Deegaanka Ina-Guuxaa ee Xadka Somaliland iyo Ethopia ayaa haatan meel wanaagsan maraysa,waxaana haatan qorshuhu yahay in la dhamaystiro 36 Km oo ka mid ah Jidkaasi,waxaana Mashruucan si weyn uga qeyb qaatay Dadka Deegaanka oo Maalaayiin Dollar ku bixiyay sidii ay Waddaasi u hir-gali lahayd,loogana dhabayn lahaa Himiladda ah Dadka Deegaanku inay Helaan Waddo Laami ah oo ay Maalkooda ka dhistaan.

sal5sal6

Sida uu noo sheegay Xoghayaha Guud ee Guddiga Dhismaha Waddada Sallaxley,ayaa sheegay in haatan si rasmi ah loo dhamaystiray 36Km,isla markaas inta Wadda ka hadhsana sida uga dhaqsiyaha badan loo dhamayn lahaa.

sal7sal8

Waddada Sallaxley,ayaa ah Waddadii ugu horaysay ee ay Dad Shacab ahi u istaagaan hirgalinteeda,isla markaana ay ilaa maanta wali sii wadaan Dhamaystirkeedda.

sal10sal11sal13

Comments are closed