|

Beesha Ba’harsame Ee Dhulbahante Oo la filayo In Uu Shir Aayo ka tashi Dhawaan Uga Furmo Deegaanka Saax-dheer.

Saax-dheer,20Aug,2015(QJ/SDN)-Beesha baharsame oo ka tirsan beelaha dhulbahante ee degan  gobolka sool ayaa la filayaa in uu dhawaan shir aayo ka tashi ah uga furmo deegaanka saax-dheer, shirkan oo qaban-qaabadiisa uu hadda ka socoto magaalada laascaanood ayaa waxa lagaga hadli doonaa arrimo ay ugu weyntahay siyaasadda reerku dhanka ay iskugu biyo shuban doonto, waxaana la filayaa in guud ahaanba beesha ba’ harsame ay Somaliland isku soo biyo shuban doonto,  Ilo-wareedyo ka dhow arrintan ayaa u xaqiijiyay shabakadda wararka Qurbejoog.com in Beeshu ay ka quusatay dagaalkii  Somaliland la dirirka ahaa, iyadoo beeshu markan bilowday sidii ay dadka kale ee reer Somaliland wax ula qaybsan lahayd. Geesta kale beesha ba’harsame ayaa quus ku muujisay Kooxda khaatumo ee Cali Khalliif Gallayd hor-joogaha u yahay.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beesha ba’harsame oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sidan Qurbejoog.com u sheegay ‘’waxaanu ka tashanaynaa aayaha beeshayada, annaku Soomaali wakiil kama wada nihin, khaatumana annakii ayay nasoo fuushay, soomaali weyna wakiil kama nihin, dadkayaga ayaanan wax la qabsanaynaa, siyaasadduna waa guurguurtaa laakiin hadda waxaanu diyaar u nahay in aanu dadkayaga wax la qaybsanno (Somaliland)’’.

Si kastaba ha ahaatee waxa laga dhur sugayaa in dhawaan beesha ba’harsame shirkeeda aaya ka tashi ku qabsato deegaanka saaxdheer, iyadoo dhawaan halkaasi uu degaal ku dhex maray beel kale oo ka tirsan beelaha dhul bahante.

QJ/SDN;Saax-dheer

Comments are closed