|

Madbacadda Qaranka Oo Xidhitaan Qarka u Saaraan, Maariyihii Oo Xagga Dambe Ka Samaystay Al-baab Uu Bishiiba Mar Kasoo Galo, Kana Baxo

Hargeysa:Aug,20,2015(SDN/QJ)-Madbacadda Qaranka, ayaa qarka u saaran inay xidhanto, waxana muddooyinkii ugu dambeeyey Goobtiisa shaqada kasoo xaadiri waayey Maareyaha Madbacadda ka masuulka ah Md  Cabdilaahi  Maxamed Jaamac(Carey), kaas oo ku mashquulsan arrimo isaga gaar u ah.

careySida ilo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Hubaal, waxa istaagtay shaqadii ay qaranka u haysay madbacaddu, iyadoo sidoo kale ay si isa soo taraysa hoos ugu dhacayeen Daabacaadda Voucher-rada Dawladda oo halkaas laga daabaci jirey, iyadoo shaqaalaha Hay’addaasina habacsanaan badani ka muuqato, kadib markii ay waayeen ciddii hagi jirtey Hawshooda.

Maareeye Caray, ayaa sida la xaqiijiyey xafiiskiisa si joogto ah uga maqnaa muddo dhawr bilood ah, waxana uu shaqadiisii ku ilaaway safarro uu bariga dalka ugu baxayey arrimo isaga gaar u ah, isagoo si badheedh ah u qufushay xafiiskiisii shaqada Madbacadda laga hagi jirey, isla-markaana aan wax  ogaysiis ah siinin ku-xigeenkiisa oo aan wax awood ah gacanta ku haynin.

Sida aanu wararka ku Helayno Maareeyaha, ayaa soo kordhiyey dhaqan ku cusub hannaanka shaqo ee Dawladda, waxana  labadii Toddobaadba uu Xafiiska yimaaddaa Hal mar, waxana uu saxeexaa hadba wixii u arko inay dantiisu ku jirto, isagoo si cad uga tago saxeexa  Warbixinno iyo baahiyo badan oo  Xarunta ka jira, kuwaas oo loosoo gudbiyo.

Astaamaha kale ee Maareeye Caray lagu arkay Marka uu shaqda yimaaddo, ayaa waxa kamid ah inuu Xarunta Madbacadda dhabarkeeda ka samaystay Albaab isaga gaar u ah oo uu ka baxo, kana soo galo marka uu doono, waxana arrintaasi si weyn uga sheekaysanaya Shaqaalaha Xarunta, waxana si weyn la isu weydiinayaa sababta ku kalliftay inuu dhaqanka noocaas oo kale ah yeesho isagoo masuul qaran ah.

Mudane Caray waxa uu si ka gaabsaday dacwado iyo soo jeedimo xafiiskiisa ka yimi oo la xidhiidha baahida Hay’adda uu madaxda ka yahay iyo baahida shaqo ee Shaqaaluhu qabaan, kuwaas oo marmarka qaarkood ay ka dhammaadaan Agabka muhiimka u ah shaqada ay hayaan, waxana ay waayaan jawaab ka kaafida cilladaha farsamo ee shaqadooda ku timaadda, iyadoo taasina shaqaalaha ku keentay niyad-jab joogto ah.

Bilhii ugu dambeeyey Maareeye Caray waxa  la xaqiijiyey inuu xafiiskiisa yimi wax aan ka Badnayn Afar Jeer, isagoo mid walba xafiiska fadhiista wax soddon daqiiqo ka yar, waxana uu is hortaagaa Cid kasta oo shaqaalihiisa kamid ah oo isku dayda inay u bandhigaan Baahida Halkaas ka jirta iyo sida ay shaqadii u istaagtay, isagoo xoghayntiisa amra inaanay cidnaba Albaabkiisa kusoo daynin.

Madbacadda qaranka oo kamid ah Hay’adaha Halbawlaha u ah qaranka Somaliland, isla-markaana ah Hay’ad qaranka ugu xilsaaran inay daabacdo Dhammaanba Buugaaqta Dawladdu ku qaaddo cashuuraha kala duwan ee Soo Gala, ayaa dhaqanka noocan oo kale ahi ku noqonayaa Bar Madow, iyoo Maareeyaheeduna ku suntan yahay Haatan Shakhsi dayacay Masuuliyadii loo igmaday.

Wali lama hayo wax cudurdaar ah oo uu Maareeye Caray kaga maqan yahay shaqadiisa, waxana  uu u muuqdaa nin meel sare ka haysta garab iyo taageero ma guurto ah oo ka hor istaagaysa in wax laga weydiiyo Habdhaqankiisan ka Baxsan Anshaxa Shaqada.

Ilaa iyo haatan Xafiisyada kala duwan ee Dawladda laguma Hayo Xafiis Masuulkiisu muddada intaas le’eg ka maqnaado shaqada, iyadoo ay waliba u dheer tahay in marka uu yimaaddana uu Xarunta ka soo galo Al-baab Dambe oo isaga gaar u ah, isagoo helay inuu Sida Caadiga ah shaqada kasoo Galo albaabka hore ee loogu talo galay.

Dhaqanka Noocaas ah ee lagu arkay Maareeyaha Madbacadda qaranku waa mid wax ka qabashadiisu u taallo madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo oo isagu ah Shakhsigii shaqadaas u igmaday, iyadoo shacabkuna ay il gaar ah ku eegi doonaan Tallaabada Madaxweynuhu ka qaado Masuulkan Albaabka gaarka u ah u samaystay Xafiiskii qaranka ee loo igmaday.

Xigasho:Wargeyka Hubaal.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed