“Waxan Leeyahay Xirsi Waa Findhicil, Findhicilkana Anigu Uma Jawaabo…”Xildh. Xasan Cawaale
Hargeysa:Aug,20,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa markii ugu horraysay jawaab ka bixiyey eedo dhawaan kaga yimi dhinaca Wasiirka madaxtoyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaas oo salka ku hayey faro-saar ay hore xildhibaanka ugu geysteen Ciidamada Ilaalada madaxtooyadu oo uu wasiirku tilmaamay in xildhibaanku ka badbadiyey.
Xildhibaan Xasan Cawaale oo maalintii shalay warbaahinta kula Hadlay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa ugu horrayn tilmaamay inay dadku si weyn uga codsadeen inuu Wasiirka Jawaab ku haboon siiyo, maadaama ay kala duwanaayeen waxyeelladii Xildhibaanku ka sheegtay Handidaadii ciidamada madaxtooyadu u geysteen iyo sidii uu Wasiirku u macneeyey.
Mudane Caynaan waxa uu hoos u dhigay jawaabta uu siinayo wasiirka Madaxtooyada, waxana uu si sarbeebaysan u sheegay inuu ka khasaafayo jawaabta uu siinayo, “Dadweynaha ayaa inta badan waxa ay I yidhaahdaan maxaad Xirsi ugu jawaabi weyday, haddaba anigoo taas ka jawaabaya waxa la yidhi findhicilku ma xaaraan baa mise waa xalaal, dabadeed waxa la yidhi Soo hadal-qaadkiisaaba xaaraan ah, Markaa Xirsi waa Findhicil, Findhicilkana anigu uma jawaabo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.
Jawaabtan kooban ee uu Xildhibaan Xasan Cawaale siiyey wasiirka Madaxtooyada, ayaa ka dambaysay markii uu Wasiirka laftiisu dhawaan Xildhibaanka usoo jeediyey inuu ciidamada ka dhex baxo, isagoo dhinaca kale hoos u dhigay sheegashadii xildhibaanka ee la xidhiidhay waxyeello ay hore ciidamada ilaalada madaxtooyadu u gaadhsiiyeen.
SDN/QJ