Maxaa hortaagan magacaabida Guddiga Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Sh. Dhexe? Akhri
Baladweyne,19Aug,2015(QJ/SDN)-Afar maalmood ayay sii dhaaftay xilligii lagu ballan-sanaa in lagu Dhawaaqo Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo sidda ku cad jad-walka geedi Socodka Dhismaha Maamulka labada gobol Qorshuhu ahaa in la magacaabo 15-ka bishan oo ku Beegnayd Sabtigii hore.
Dib u dhaca ku yimid Magacaabida guddiga farsamada ayaa la oran karaa waxay calaamad u tahay Caqabadaha Durbaba ku hor-gudban dhismaha Maamulka oo ay dowladdu Somalia u qorsheysan in lagu soo af-jaro ugu muddo labo bilood ah.
Warar Hoose ayaa Tibaaxaya in si Guud loogu heshiiyay tirada Guddiga Farsamada oo la leeyahay waxaa ay ka koobnaan doonaan 31 xubnood, hasse ahaatee dhibaatada ugu weyn ayaa waxaa ay ka taagan tahay sidii tiradaa loogu Qaybin lahaa Dhamaanba Beelaha dega labada Gobol.
Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in lagu kala kacay kulamo la doonayay in arrintan xal looga gaaro, kaddib markii ay beelaha qaar saluugeen sidda saami-qeybsigu u dhacayo.
Wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka oo dhinaca dowladda howshan ugu xil saaran ayaan in illaa & hadda ku guuleysan in ay ku qanciso saxiixayaasha & siyaasiyiinta labada Gobol Shaxda Saami-qeybsiga Guddiga Farsamada, madaama Beelaha Qaar ay doonayaan in helleen tirada ugu badan Guddiga la Magacaabayo, halka Beellaha Qaarna ay kaba cabsi qabaan inay iska Waayaan liiska xubnaha Guddiga Farsamada oo yeelan doona doorka ugu weyn marka ay timaado dhismaha maamulka.
Beelaha Qaarkood ayaa ku doodaya in ay degaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, sidaa darteedna Narka ay timaaddo Saami-qeysiga Xaq u leeyihiin in Xubno Tiro badan ka hellaan labada gobol taasoo ay ka soo Hor-jeesteen Beelaha kale.
Wasaarrada arrimaha gudaha ayaa u muuqata hadda mid ka fikireysa siddii ay maaro ugu Heli laheyd Muranka taagan, Waxaana soo baxaya Warar sheegaya in la Kordhiyo Tirada Guddiga Farsamada si loo Qanciyo beelaha oo dhan.
Dadka sida weyn ula socda Dhismaha Maamulka Gobollada Shabeellaha Dhexe & Hiiraan, ayaa qaba in marka laga soo faraxasho magacaabida Guddiga Farsamada lagu riiqmi doono qodobo ay ka mid yihiin sidii go’aan looga gaari lahaa magaalada martigalin doonta shirka, Xarunta Dowlad Gobolleedka, iyo gobol uu ka imanaya madaxweynaha oo dhamaantood u baahan in xal laga gaaro, ka hor inta uusan shirku furmin.
Marka Arrimahan oo dhan aad eegto Waxaa adag in Shirku Furmo Waqtiga ay Dowladu u qorsheysay ee ah 01 September oo maalmo kooban ay naga xigaan, iyadoo dhinaca kalana mas’uuliyiinta Dowladda FS labadii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn ugu Mashquuleen mooshinka laga keenay madaxweynaha oo laftirkiisa la oran karo waxaa uu Hakad-galiyay kulamadii ku saabsanaa xalinta khilaafa ka taagan socodsiinta howsha dhismaha maamulka ay ku midoobayaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.