Booliska Ingiriiska Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Soomaali ah Oo 2-Sano Raadinayeen
London:Aug,19,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka waddanka Ingiriiska, ayaa gacanta ku dhigay Nin ay raacdadiisa ku hawllanaayeen muddo laba sano ah, waxana lagu qabtay Garoonka Heathrow Airport, isagoo ka yimi Dalka Ethiopia.
Ninkan oo lagu magaacabo Mahad Adan oo da’adiisu tahay 33 jir ayaa loo haystaa in uu tooriyey nin kale sanadkii 2013-kii. Falkan ayaa ka dhacay meel gawaadhida la dhigto ee ku taal magaalada Conventry. Warbxinta ayaa lagu sheegay in ninka la tooriyey ahaa 20 jir islamarkaana loo qaaday isbitaalka balse uu bugsaday markii dambe.
Mahad oo laga baafiyey barnaamijka loo yaqaan ‘crime watch’, oo dadweynaha ku baraarujiya in wixii xog ah ee ku saabsan dambiyada ay la wadaagan booliska, ayaan dib wax war ah looga maqal.
Ninkan ayaa la socday diyaarad(Ethiopian Airlines) ka timid Itoobiya oo 5-tii galabnimo ee Maalintii salaasadii hore soo caga dhigatay Heathrow. Booliska oo garoonka ku sii sogayey ayaa gacanta ku dhigay.
Lama hubo sida looga war helay in uu diyaarada la socday balse waxaa la xaqiijiyey in uu fiiso weydiistay safaarada Ingiriiska ee Addis Ababa halkaas oo laga raadraacay.
Mahad ayaa kolkiiba la horkeenay maxkamad iyada oo lagu eedeyey danbiyo ay ka mid yihiin in uu si ula kac ah oo tooriyey qof, in uu haystay mindiyo, hanjabaad dad makhraati ah iyo in uu damcay in dacwada marinhabaabiyo.
Ninkan oo ilaa hadda xabsiga ku jira ayaa dib maxkamad ku taal Birmingham la hor keeni doona 19-ka bisha November ee sandakan.
Warbxintu ma xusin in uu ninkan yahay qof ka soo jeeda Itoobiya iyo in kale. Sidoo kale, faahfaahin lagama bixin haybta ninka uu tooriyey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com