Magacyada Gollaha Dhexe ee xisbiga haya Talada Dalka Jabuuti RPP oo la shaaciyay iyo Marwada Madaxweynaha oo markii u horeysay ka soo dhex muuqatay
Jabuuti Aug 19,2015(SDN/QJ)-Xisbiga haya talada dalka Jabuuti ee RPP ayaa dhawaan shaaciyay magacyada boqolaal xubnood oo ka mid ah Gollaha dhexe ee xisbigaas.
Waxaana markii u horeysay xubnaha Gollaha dhexe ee xisbiga ka soo dhex muuqatay marwada madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Marwada Madaxweynaha Jabuuti Khadra Maxamuud Xeyd ayaa magaceedu ku xusan yahay xaga sare ee liiska.
Dalka Jabuuti iyo caalamkaba waa markii u horeysay ee Marwo madaweyne ay ka dhex muuqato liiska Golle xisbi ama mid xukuumadeedba.
Waxaana intii shaacinta ka danbeysay gudaha dalka iyo dibadiisaba la isla dhex marayaa suaallo iyo fajac arinkan laga qaaday.
Dadka qaar oo hore u qabay in Marwada Madaxweyaha Jabuuti Khadra Maxmuud ay aheyd awooda dhabta ah ee ka danbeysa guulaha siyasadeed ee madaxweynaha iminkana ay u xuub siibatay siyaasada.
Waxaana la isweydiinayaa in marwada Madaxweynaha Jabuuti ay tahay ruuxa dhaxli doona talada dalka kolka uu madaxweyne Geelle xilkaa aanu isu soo taagi keri doonin.
Si kastaba ha ahaatee xukuumada Jabuuti ayaa guddaha iyo caalamka haatan ay kaga furan yihiin xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya.
Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa gebi ahaanba qaadacay Doorashooyinka 2016-ka oo ay ku xireen shuruud ah in la dhaqan geliyo hashiisyadii mucaaridka iyo xukuumadu hore isula qaateen.
Halka reer Galbeedku ay walaac baaxad leh ka muujinayaan xiriirka xukuumada Jabuuti iyo dalka China, oo markii u horeysay Jabuuti ku yeelanaya xeryo ciidan.
SDN/QJ-Jabuuti